Skip to main content

SR 509, I-5 ilaa wadada 24th Ave S – mashruuca wadada dagdagaa heerkiisa koowaad b(stage 1b)

English  |  الترجمه العربيه  |  简体中文  |  Af Soomaali  |  Español  |  Tagalog  |  Tiếng Việt

Kulankan internetka ee furan wuxuu soconayaa laga bilaabo Nofembar 9keedii ilaa Disembar 13, 2021.Maadaama boga fikradaha ee dadweynuhu hadda xiranyahay, WSDOT waxay haysaa macluumaadka diyaar ku ah inaad daawadato ama fiirsato.  Waxii Su’aal dhismaha kusaabsan , fadlan nagala soo xiriir sr509construction@wsdot.wa.gov.

Soodhawoow

Waaxda gaadidka ee gobolka Washington (WSDOT) Waxay  dhismo kubillaabaysaa wadada SR 509, I-5 ilaa wadada 24th Ave S – mashruuca wadada dagdaga heerkiisa koowaad b(stage 1b) dayrta sanadka 2021. Mashruucani wuxuuqeyb ka yahaydadaal ay waaxda gaadidka gobolka Washington (WSDOT) ay ku dheereynayso wadada SR 509  taas oo laga qaadayo Meesha hadda ay ku dhamaato ee Madaarka (ayraboorka) caalamigaa ee Seatac  ilaa laga gaadhsiiyo Wadada I-5.

Sida looga qeybqaadanayo

Kulnakaan xaga internet ayaa kusiineyo warbixin kusaabsan dhismaha: Aagaga shaqada iyo jadwalka dhameystirka howlaha waaweyn. Fadlan booqo bog walba si aad wax badan oga ogaato mashruuca aadna ra’yigaada oga dhiibato bogga faalada ama ra’yiga. Waxaan kaloon rajeyneynaa inaad daqiiqado yar kuqaadato dhameystirka ra’yi aruurinta dhamaadka Kulanka.

Kulankaan barta internetka ah wuxuu socon doonaa inta udhaxeyso Nofembar 9  ilaa Disembar 13, 2021.

Waa maxay mashruuca dhameystirka wadada SR 509?

Mashruuca SR 509, I-5 ilaa 24th Avenue South- ee wadada dagdagaa(express way)  waa qayb ka mid ah mashruuca weyn ee  dhameystirka wadada SR 509 oo lamudeeeyey in la dhameystiro sanadka 2028 dhexdhediisa.Mashruuca dhemeystirka  wada SR 509 waxuu oogu dambeyn dheereyn ama gaadhsiin  wadada SR 509 ilaa I-5 magaalada Seatac. Dad ku safraya aaggan waxay helidoonaan dariiq cusub oo ah jihadda koonfureed oo ay kugaadhaan gegida caalamigaa ee seatac iyaga oo dhinac marayo  wadada I-5,wadada SR 518, iyo wadooyinka maxaligaa.

Xubnaha bulshada ee dagan agagaar way yaraan doontaa in ay lakulmaan baabuurta wado koonteenarada  ee isticmaalayo wadooyinka maxaligaa maadaama darawalada baabuurta xamuulka ay heli doonaan dariiq cusub oo ay kugaaraan gegida diyaaradaha ama madaarka. Marka lagudaro hagaajinta wadada SR99 ee dhulka hoosmarta , dadka kusafraya aaggan waxay heli doonaan dariiq kale oo muhiim oo Waqooyi-koonfur aada oo ay  kaga maarmaan I-5  oo dhexmara Seattle iyo King county.

Mashruucani waxuu siinayaa ikhtiyaaraad cusub dhamaan dadka socdaalaya,taas oo ay ku jirto irid cusub ooy kagalaan I-5 marka laga yimaado wadada Veterans Drive iyo irid cusub oo lagu gaaro gegida caalamigaa ee Seatac iyada oo lamarayo wadada dadegaa ee SR 509.
Mashruucani waxuu siinayaa ikhtiyaaraad cusub dhamaan dadka socdaalaya,taas oo ay ku jirto irid cusub ooy kagalaan I-5 marka laga yimaado wadada Veterans Drive iyo irid cusub oo lagu gaaro gegida caalamigaa ee Seatac iyada oo lamarayo wadada dadegaa ee SR 509.