Skip to main content

Mashruuca Gateway oo kooban

Waa maxay barnaamijka gateway?

Mashruuca Dhamaystirka  wadada SR 509 waa qayb ka mid ah barnaamijka Puget Sound Gateway, kaas oo sidoo kale ku jira Mashruuca Dhamaystirka  wadada SR 167. Si wada jir ah mashaariicdani waxay ka caawin doonaan  baabuurta xamuulka inay si hufan u socdaan oo ay fududeeyaan ciriiriga guud ahaan deegaanka Puget Sound. Horumarintani waxay kor u qaadi doontaa tartanka dhaqaale ee gobolka, heer qaran iyo caalamiba, iyadoo kuxidhayso dekedaha ugu waaweyn ee gobolka xarumaha muhiimka ah ee qaybinta  alaabada ee degmooyinka  King iyo Pierce. Kubixinta Dhamaystirka Mashaariicda wadooyinka SR 167 iyo SR 509 Mashaariicda  hal barnaamij waxay u oggolaanaysaa  WSDOT inay sare u qaaddo waxtarkeeda xagga qorsheynta, dib u eegista deegaanka, naqshadeynta, iyo dhismaha.

Soo daawo fiidiyowga barnaamijka Gateway si aad wax badan uga barato barnaamijka iyo faahfaahinta mashaariicdiisa.