Skip to main content

Iswaydaarka wadada 24th Avenue South

Iswaydaarka wadada 24th Avenue South

Dhamaadka waqooyi ee Wadada SR 509, I-5 ilaa 24th Avenue South mashruuca wadada degdegaa(Expressway Project), qandaraaslahayagu wuxuu dhisi doonaa isweydaarsiga cusub ee 24th Avenue South iyo qaybta cusub ee SR 509 inta u dhaxaysa SR 99 iyo 24th Avenue South. Isweydaarsigu wuxuu abuuridoonaa  marin loo galo SR 509 dhanka konfureed laga bilaabo 24th Avenue South, halkaas oo dhowr bakhaar oo waaweyn ay ku yaaliin. Waxa kale oo ay abuurtaa gelitaanka 24th Avenue South ee ka soo jeeda woqooyiga SR 509, taas oo samaynaysa xidhiidh ama marin  cusub ee loomaro madaarka caalamiga ah ee Sea-Tac kaas oo aan kudarsameynin wadada SR 518.

Isweydaarsiga cusub ee 24th Avenue South wuxuu bixin doonaa marin u dhexeeya SR 509 Expressway(wadada degdegaa)iyo Gegada Diyaaradaha Caalamiga ah ee Sea-Tac, iyo sidoo kale bakhaarada ku teedsan 24th Avenue South iyo wixii ka dambeeya.
Isweydaarsiga cusub ee 24th Avenue South wuxuu bixin doonaa marin u dhexeeya SR 509 Expressway(wadada degdegaa)iyo Gegada Diyaaradaha Caalamiga ah ee Sea-Tac, iyo sidoo kale bakhaarada ku teedsan 24th Avenue South iyo wixii ka dambeeya.

Maxaad filan kartaa

Waxaan dhisi doonaa dariiqyo cusub iyo jid-weyn inta lagu jiro saacadaha maalintii waxaanan filaynaa inay saameyn kooban ku yeelato taraafikada aagga, deganayaasha iyo ganacsiyada. Waxaa jiri doona xannibaado haad ah oo ah 24th Avenue South marka aan ku xidhno dariiqyada hoobadka ee 24th Avenue South.

Jadwalka

Dhismaha Waddada 24th Avenue South iyo SR 509 waxay bilaaban doontaa horraanta 2023 waxayna dhamaan doontaa horraanta 2024.

Fadlan la wadaag wixii suaalo ah ama faalooyin ah oo ku saabsan mashruuca qeybtan xaga bogga faalooyinka ee halkan.