Skip to main content

Hagaajinta xaafadda

Darbiyada qaylada/Buuqa

Si loo dhimo saamaynta dhawaaqa, waxaanu dhisaynaa darbiyo cusub oo dhimo sanqadha kuwaas oo bedelaya ama waxkudaraya gidaarada buuqa ee jira ee aagga mashruuca. Afar darbi oo sawaxan dhin ah oo hadda jira ayaa la fidin ( waxlagudari)doonaa ama la beddeli doonaa dhinaca  waqooyi ee  wadada  I-5, iyo hal darbi oo sanqadh  dhin cusub oo  laga dhisi doonaa dhinaca koonfureed ee I-5. Waxaan sidoo kale ka dhisaynaa barbi moos ah dhinaca waqooyi ee wadada SR 509.

Darbiyada qaylada/Buuqa

Darbiga qaylada ee 1waad

Darbigan qayla dhinka ahi waxa uu dheereynayaa  gidaarka jira ee ku teedsan dhinaca waqooyi ee I-5 ilaa  meel koonfur kaxigta iswaydaarka wadada  SR 516 ee u dhow Waddada Jeffery Rd . Iyada oo  la eegayo  dhererka dhulka  ee aag kasta, waxay noqon doontaa darbigu 10 ilaa 20 cagood oo dhereka taagan ah iyoilaa 1,100 cagood oo dhererka jiifka ah.

Darbiga qaylada ee 1waad

Darbiga qaylada ee 2baad

Darbigan sawaxanka ama qeylada  waxa uu bedelayaa gidaarka qaylada ee ku teedsan dhinaca waqooyi ee  wadada I-5 oo dhanka koonfureed ka xigta buundada South 216th Street. Derbiga hadda jira waxa uu u baahan yahay in meesha laga saaro si boos loogu helo buundada cusub ee South 216th Street. Iyada oo la eegayo  dhererka dhulka  ee aag kasta, waxay noqon doontaa 8 ilaa 15 cagood oo ah dhererka toosan iyo 700 cagood oo dhererka jiifka ah.

Darbiga qaylada ee 3xaad

Darbigan sawaxanka ah waxa uu bedelayaa qaybo ka mid ah gidaarka qaylada ee jira ee ku teedsan dhinaca waqooyi ee  wadada I-5 oo dhinaca waqooyi ka xigta Buundada South 216th Street. Qayb ka mid ah darbiga hadda jira ayaa loo baahan yahay in meesha laga saaro si boos loogu helo buundada cusub ee South 216th Street. Iyada oo ku xirantahay ama la eegayo dhererka dhulka ee aag kasta, waxay noqon doontaa 8 ilaa 20 cagood  dhererka  toosan , dhinaca dhererka jiifana ilaan 1150 cagood.

Darbiga qaylada ee 2baad Darbiga qaylada ee 3xaad

Darbiga qaylada ee 4raad

Darbigani waxa uu ku fidinayaa ama wax ku darayaa  gidaarka sanqadha ee jira ilaa 850 cagood oo dhinaca waqooyi u socda  wadada I-5  marka laga bilaabo halka uu hadda ku dhamaado ilaa iyo wadada S 208th Street. Iyadoo lagu saleynayo dhererka dhulka aag kasta, waxay noqon doontaa 10 ilaa 15 cagood.

Darbiga qaylada ee 4raad

Darbiga qaylada ee 5naad

Kani waa darbi cusub oo sanqadh celiye ah oo ku teedsan dhinaca koonfureed ee I-5 inta u dhaxaysa  wadada S 204 street iyo S 208 street. Iyada oo ku saleysan dhererka dhulka mid kastaa, wuxuu noqon doonaa jooga 10 ilaa 15 cag dhererkiisuna wuxuu noqon doonaa ilaa 1,250 cagood.

Darbiga qaylada ee 5naad

Darbi wax xajiya

Kani waa darbi cusub oo ku teedsan dhanka  waqooyi ee  wadada SR 509 una dhaw wadooyinka 31st iyo 32nd  Lane South. Iyada oo ku saleysan dhererka dhulka aag kasta, waxay noqon doontaa jooga  5 ilaa 15 cagood, dhererka waxayna noqon doontaa ilaa 1,000 cagood.

Darbiyadan sawaxanka reeba  waxa ay dheeri kuyihiin dhawr kun oo cagood oo darbi cusub oo sanqadh reeb ah oo ay  Sound Transit iyo WSDOT  hadda ka dhisayaan dhinaca koonfureed ee  wadada I-5 inta u dhaxaysa Veterans Drive iyo South 216th Street, taas oo qayb ka ah mashruuca tareenka fudud ee  lagu gaadhsiinayo magaalada Federal Way.

Darbi wax xajiya

Maxaad filan kartaa

Dadka ku nool hareeraha I-5 ee u dhow darbiyada qaylada reeba  waxay filan karaan shaqaalaha oo ka shaqeeya meel u dhow guryahooda marka ay diyaarinayaan goobta shaqada (jarita geedgaabka  iyo geedaha kale), marka ay dhisayaan derbiyada qaylada, dejiyaan shubka iyo tiirarka darbiyada qeylada reeba, iyo marka goobta shaqada si caadi ka dhigayaan.Inta uuna dhismaha billaaban Kahor , kooxda mashruucu waxay guri-guri booqasho ugu samayn doonaan xaafadaha ay dhismuhu saameynayaan si ay u bixiyaan macluumaad badan oo ku saabsan dhismaha gidaarka buuqa.

Jadwalka

Dhismaha darbiyada qaylada waxay dhici doonaan saacadaha iftiinka maalinta  ee u dhexeeya badhtamaha 2022 iyo dabayaaqada 2023

Hagaajinta jidadka

Maadaama  gelitaanka Waddada South 208th ay noqon doonto mid xaddidan sababta oo ah buundada cusub ee SR 99, qandaraaslahayagu wuxuu ka dhisi doonaa waddo cusub oo ah 34th Avenue South inta u dhaxaysa South 208th Street iyo South 204th Street si loo hubiyo in dadka degan aagga ay si buuxda u galaan ama uga baxaan xaafadooda. Anagoo la kaashanayna Magaalada SeaTac, qandaraaslahayagu wuxuu sidoo kale ku samayn doonaa hagaajinta South 208th Street oo ay ku jiraan kor uqaadida  tamarta, Marshabiyeediyo cusub, iyo geedaha dariiqyada. Ma jiri doono baarkin wado oo ku taal 34th Avenue South ama South 208th Street marka dhismuhu dhamaado.

Hagaajinta jidadka
Hagaajinta jidadka
Labada waddo ee S 208 Street waa la hagaajin doonaa iyadoo loosameyndoono marshabiyyedyo cusub, qarar iyo biyoshub, iyo geedo.

Maxaad filan kartaa

Waxaan dhisi doonaa wadada cusub ee 34th Avenue South ka hor inta aan shaqada laga bilaabin South 208th Street si aan u siino marin dheeri ah oo loo galo Xaafada Madrona inta lagu jiro dhismaha. Dadka deegaanku waxay filan karaan xannibaado baarkin iyo xidhidh leemanka inta uu dhismuhu socdo, laakiin marin ay dadku maraan mar walba waa la bixin doonaa.Inta  uuna dhismaha billaaban Kahor , kooxda mashruucu waxay guri-guri u booqasho ugu samayn doonaan xaafadaha ay dhismuhu saameyey  si ay u bixiyaan macluumaad badan oo ku saabsan  hagaajinta waddooyinka.

Jadwalka

Waxaan bilaabi doonaa dhismaha wadada 34th Avenue South dabayaaqada 2022 waxaana dhameystiri doonaa horaanta 2023. Dhismaha 208th iyo 204th wuxuu bilaabmi doonaa bartamaha 2023 wuxuuna dhamaan doonaa dhamaadka 2023. Dhismuhu wuxuu dhacayaa saacadaha dharaarta

Fadlan la wadaag wixii suaalo ah ama faalooyin ah oo ku saabsan mashruuca qeybtan xaga bogga faalooyinka ee halkan.