Skip to main content

Iswaydaarka I-5/SR 516

Iswaydaarka  I-5/SR 516

Hagaajinta isweydaarsiga I-5 / SR 516 waxaa ka mid ah:

  • Dib u dhiska waddooyinka laga galo wadooyinka waaweyn iyo ku darida haadad si loo hagaajiyo socodka gaadiidka
  • Dhisidda wadiiqo cusub  oo  Veterans Drive  ah ka oo hoosmara  I-5, isku xidhka Veterans Drive ilaa I-5 dhinacna kamareyso  dariiqa lagagalo I-5  koonfur iyo waqooyiba, abuurista jid barbar socda wadada Kent Des Moines (SR 516) si loo hagaajiyo socodka gaadiidka marayo iswaydaarka.
  • Dhisida marshibiyedyo ballaran iyo dariiq lawaado.

Maxaad filan kartaa?

  • Haddii aad gaadhi kuwadid wadada I-5, waxaad filan kartaa inaad aragto haadadka labada jiho  kolba is badalo si ay shaqaaluhu u ballaadhiyaan buundada I-5 ee dulmarta Waddada Kent-Des Moines, Dhisidda  wadda cusub oo Veterans Drive  oo I-5-ka  hoos mareyso, Rarrida haadadka waxaa kamida in looraro haadka HOV ga ee waqooyi dhinaca I -5 ka koonfur ujeedo marka lagaadho sanadka 2024. Waxa kale oo aad filan kartaa xidhitaanno  marmar ah inta uu dhismuhu socdo Iswaydaarada dariiqyada laga galo wadooyinka waaweyn.
  • Haddii aad kusocoto, ama baskiil kuwado ama aad ku isticmaasho gaadiidka dadweynah  aaggan marinkaagu isma beddelayo ilaa 2024 markaas oo  mid ka mid ah labada bas ee bari u socdaa uu xidhmi doono.Boosteejada baska ee cusub ee SR 516 oo bari u socda ayaa furmi doonta dabayaaqada sanadka. 2025, gelitaanka dadka lugaynaya ayaa si ku meel gaadh ah u wareegi doona dhanka bari ee SR 516.
  • Haddii aad ku nooshahay ama aad ka shaqayso aagga waxaad filan kartaa saamaynta dhismaha ah oo ay ku jiraan qalabka culus  ooyaalo wadada,, buuqa, iyo shaqada habeenkii  kasoco ee I-5.
Isweydaarsiga dib loo habeeyay ee SR 516 waxaa ku jira dariiqyo cusub oo  isku xira waddooyinka SR 509 iyo I-5 iyo hagaajin meel ayna Baabuurtu mareynin, taasna waxay u sahlaysaa dadka wada baabuurta, ama socda, ama baaskiilka isticticamaala iyo kuwa isticmaala gaadiidka dadweynaha  in ay kusocdaalaan aaggan.
Isweydaarsiga dib loo habeeyay ee SR 516 waxaa ku jira dariiqyo cusub oo isku xira waddooyinka SR 509 iyo I-5 iyo hagaajin meel ayna Baabuurtu mareynin, taasna waxay u sahlaysaa dadka wada baabuurta, ama socda, ama baaskiilka isticticamaala iyo kuwa isticmaala gaadiidka dadweynaha in ay kusocdaalaan aaggan.
Wadada cusub ee hoosmarka ah ee lagu darey wadada Veterans Drive waxaa abuureysaa xulasho cusub oo lagu galo I-5 marka laga yimaado toga Kent. Sawirka hoobadka dhanka waqooti ee I-5 wuxuu isku xirayaa jidka cusub ee SR 509 ee dagdaga ah
Wadada cusub ee hoosmarka ah ee lagu darey wadada Veterans Drive waxaa abuureysaa xulasho cusub oo lagu galo I-5 marka laga yimaado toga Kent. Sawirka hoobadka dhanka waqooti ee I-5 wuxuu isku xirayaa jidka cusub ee SR 509 ee dagdaga ah.

Jadwalka

Haggaajinta ballaaran  ee loo qorsheeyay isweydaarsiga I-5/SR 516 iyo  wadada I-5  ee aaddo jihada koonfur awgeed, shaqaalaha dhismaha iyo shaqadooda aaggan waxay bilaaban doontaa dabayaaqada sanadkan (2021) waxayna dhammaan doonaan bartamaha 2025.

Fadlan la wadaag wixii suaalo ah ama faalooyin ah oo ku saabsan mashruuca qeybtan xaga bogga faalooyinka ee halkan.