Skip to main content

Waddooyingka SR 509 I-5 Jidka degdega ah iyo jidadka laga galo

Waddooyingka SR 509 I-5 Jidka degdega ah iyo jidadka laga galo

Dhisidda maylka ugu horreeya ee SR 509 Expressway(wadada dagdagaa)iyo dariiqyada isku xidhi doona I-5 ilaa SR 509 waxay u baahan doonaan dhisitaan weyn aagga  SeaTac. Qandaraaslaha WSDOT wuxuu:

  • Wuxuu dhisi doonaa meyl-ka koowaad ee Waddada Weyn ee dagdegaa ee SR 509 inta udhaxaysa wadada 24th Avenue South iyo I-5 iyo barta lacagta laguqaado ee elektarooniga ah (oo u dhow South 210th Street).
  • Waxuu dhisi doonaa buundo sare oo cusub oo wadada I-5 dulmareyso meel u dhow wadada South 212th Street. Buundada sare ayaa isku xiri doonta I-5 jihada waqooyi ilaa SR 509 Jihada waqooyi.
  • Waxuu dhisi doonaa dariiq cusub ka baxsan I-5 jihada koonfureed, oo koonfur ka xigta Waddada Military Rd S.
  • Waxuu Dhisaya dariiq cusub kaas oo isku xidhi doona koonfurta wadada SR 509 ilaa koonfurta wadada I-5.
  • Waxuu kuxirayaa dariiqa cusub wadada Veterans Drive iyo iswaydaarka wadada SR 516.
Hagaajintan waxay siin doontaa dadka safarka ah ee isticmaala aaggan waddo cusub oo koonfureed oo ay ku tagaan Gegida Caalamiga ah ee Sea-Tac. Waxa kale oo ay gacan ka geysan doontaa dhimista tirada baabuurta xamuulka qaada ee waddooyinka maxalliga ah maadaama darawallada xamuulku ay heli doonaan waddo cusub oo ay ku galaan bakhaarada iyo garoonka diyaaradaha.

Maxaad filan kartaa:

Inta uu dhismuhu socdo, darawaladu waxa ay filan karaan dariiqyada I-5 ee dhanka waqooyi iyo koonfur u socda in loo weeciyo dhinaca leenka xigo dibadda si ay shaqaaluhu udiyaarsadaan  aag shaqo wadada I-5 dhexdeda. Darawaliintu waxay filan karaan xirnaanshaha leemanka  habeenkii 2022 iyo 2023 Marka shaqaaluhu ay dajinayaan shubka  buundada cusub. Marka ay dhacdo in laxidho leemanka ama haadadka, hal haad ama waqooyi ama koonfur I-5 ayaa furmi doonta saacadaha habeenkii, sida caadiga ah inta u dhaxaysa 10 p.m. iyo 4 a.m. Darawaliintu waxay sidoo kale filan karaan xidhitaanno leen  kali ah iyo laba leen habeenkii inta dhismuhu socdo.

Jadwalkla

Dhismaha jidadka cusub iyo maylka ugu horreeya ee SR 509 waxa uu bilaabmayaa horraanta 2022 waxana uu socon doonaa ilaa dhamaadka 2024ka.

Fadlan la wadaag wixii suaalo ah ama faalooyin ah oo ku saabsan mashruuca qeybtan xaga bogga faalooyinka ee halkan.