Skip to main content

Buundada Wadada South 216

Buundada Wadada South 216

Shaqaalaha dhismuhu waxa ay dhisi doonaan buundo cusub oo ballaadhan oo ay ku jiraan marshibiyeedyo, haadyada baaskiilka, iyo haadka leexashada ee wadada South 216th . Dhismaha buundada cusub waxaa ka mid ah in la dumiyo buundada hore u jirtay, laguna badalo mid cusub. Dadka lugaynaya iyo kuwa baaskiil wataba  waxay heli doonaan marin ay dhinaca kale ugu gudbaan  inta  dhismuhu socdo

Buundada cusub waxay yeelan doontaa hal haad oo dhinac kasta ah, haad dhexe oo leexasho leh, waddooyin baaskiil oo ballacoodu yahay  shan cagood  iyo waddooyin Marshibyeedi oo balacoodu yahay lix cagood. Hagaajinta waxay u fududayn doontaa oo ammaan u noqon doontaa dhammaan dadka in kaga  gudbaan wadada I-5 ee aagan
Buundada cusub waxay yeelan doontaa hal haad oo dhinac kasta ah, haad dhexe oo leexasho leh, waddooyin baaskiil oo ballacoodu yahay  shan cagood  iyo waddooyin Marshibyeedi oo balacoodu yahay lix cagood. Hagaajinta waxay u fududayn doontaa oo ammaan u noqon doontaa dhammaan dadka in kaga  gudbaan wadada I-5 ee aagan.

Maxaad filan kartaa (Gelintaan marin maxaliya):

  • Buundada waxaa loo dhisi doonaa laba marxaladood.
  • Marxaladda 1baad (horraanta 2022 ilaa horraanta 2023): Inta lagu jiro marxaladdan, ma jiri doonto wax saameyn ah oo kudhaceyso Buundada  hadda jirto ee South 216th Street. Waxa aanu dhisi doonaa marinka bari ee buundada cusub ee ku xigta buundada jirta.
  • Marxaladda 2 (bartamaha 2023 ilaa dabayaaqada 2023): Inta lagu jiro marxaladan waxaan dumin doonaa buundada jirta waxaanan dhisi doonaa dariiqyada galbeed ee buundada cusub. Jidadka bari ee soo mara buundada waxay xirnaan doontaa ilaa lix bilood. Waddada leexintu waxay  kutoosin doontaa darawallada   wadada I-5 ee wadada  S 200th Street. Buundada cusub waxay si buuxda u furmi doontaa dhamaadka 2023.

Maxaad filan kartaa (I-5):

Horaanta 2022, darawaladu waxay arki doonaan jidad isbedelaya oo la dhimay ballaadhka jidadka I-5 ee u dhexeeya SR 516 iyo South 200th Street si shaqaaluhu u dhisaan buundada cusub ee South 216th Street iyo wadooyin cusub oo isku xidhi doona I-5 iyo jidka cusub ee SR 509. Intaa waxaa dheer, darawaladu waxay filan karaan xirnaanshaha haaddadka waqtiga habeenkii ee 2022 iyo 2023 marka shaqaaluhu burburiyaan buundada hore oo ay dejiyaan alwaaxyo waaweyn oo shub ah, oo loo yaqaan girders, buundada cusub. Marka haadkan la xiro, dhammaan hal haad oo ka mid ah dhanka waqooyi ama koofurta I-5 waa la xiri doonaa inta lagu jiro saacadaha habeenkii, sida caadiga ah inta u dhaxaysa 10 p.m. iyo 4 a.m. Darawaliintu waxa kale oo ay filan karaan in marmar la xidho hal iyo laba haad habeenkii inta dhismuhu socdo.

Jadwal

Dhismaha buundada ayaa bilaabmi doonta horraanta sanadka 2022-ka waxayna dhamaan doontaa bartamaha sanadka 2023-ka.

Fadlan la wadaag wixii suaalo ah ama faalooyin ah oo ku saabsan mashruuca qeybtan xaga bogga faalooyinka ee halkan.