Iswaydaarka I-5/SR 516
Hagaajinta isweydaarsiga I-5 / SR 516 waxaa ka mid ah:
- Dib u dhiska waddooyinka laga galo wadooyinka waaweyn iyo ku darida haadad si loo hagaajiyo socodka gaadiidka
- Dhisidda wadiiqo cusub oo Veterans Drive ah ka oo hoosmara I-5, isku xidhka Veterans Drive ilaa I-5 dhinacna kamareyso dariiqa lagagalo I-5 koonfur iyo waqooyiba, abuurista jid barbar socda wadada Kent Des Moines (SR 516) si loo hagaajiyo socodka gaadiidka marayo iswaydaarka.
- Dhisida marshibiyedyo ballaran iyo dariiq lawaado.
Maxaad filan kartaa?
- Haddii aad gaadhi kuwadid wadada I-5, waxaad filan kartaa inaad aragto haadadka labada jiho kolba is badalo si ay shaqaaluhu u ballaadhiyaan buundada I-5 ee dulmarta Waddada Kent-Des Moines, Dhisidda wadda cusub oo Veterans Drive oo I-5-ka hoos mareyso, Rarrida haadadka waxaa kamida in looraro haadka HOV ga ee waqooyi dhinaca I -5 ka koonfur ujeedo marka lagaadho sanadka 2024. Waxa kale oo aad filan kartaa xidhitaanno marmar ah inta uu dhismuhu socdo Iswaydaarada dariiqyada laga galo wadooyinka waaweyn.
- Haddii aad kusocoto, ama baskiil kuwado ama aad ku isticmaasho gaadiidka dadweynah aaggan marinkaagu isma beddelayo ilaa 2024 markaas oo mid ka mid ah labada bas ee bari u socdaa uu xidhmi doono.Boosteejada baska ee cusub ee SR 516 oo bari u socda ayaa furmi doonta dabayaaqada sanadka. 2025, gelitaanka dadka lugaynaya ayaa si ku meel gaadh ah u wareegi doona dhanka bari ee SR 516.
- Haddii aad ku nooshahay ama aad ka shaqayso aagga waxaad filan kartaa saamaynta dhismaha ah oo ay ku jiraan qalabka culus ooyaalo wadada,, buuqa, iyo shaqada habeenkii kasoco ee I-5.
Jadwalka
Haggaajinta ballaaran ee loo qorsheeyay isweydaarsiga I-5/SR 516 iyo wadada I-5 ee aaddo jihada koonfur awgeed, shaqaalaha dhismaha iyo shaqadooda aaggan waxay bilaaban doontaa dabayaaqada sanadkan (2021) waxayna dhammaan doonaan bartamaha 2025.
Fadlan la wadaag wixii suaalo ah ama faalooyin ah oo ku saabsan mashruuca qeybtan xaga bogga faalooyinka ee halkan.