Mashruucani maxaa kujiro?
Waxyaabaha muhiimkaa ee wadada SR 509, I-5 ilaa 24th Ave S -iyo mashruuca wadada dagdagaa waxaa kamid ah:
- Dib udhiska iswaydaarka wadooyinya I-5/SR 516
- Dhismaha waddo cusub oo garabsocoto I-5, tasas oo kuxireyso wadada SR 509 wadada Veterans Drive ee Kent.
- Bixinta marin cusub oo loo maro Veterans Drive iyo haad cusub oo woqooyi u socota oo I-5 ah oo u dhaxaysa isweydaarsiga SR 516 iyo iskuxidhka cusub ee wadooyinka I-5/SR 509.
- Dhisida buundada cusub ee wadada South 216th ee laga kordhisayo I-5
- Dhisidda gidaarada dhawaqa celiyo oo cusub iyo dheereynta derbiyada hadda jira.
- Dhisidda waddooyin cusub oo isku xira I-5 iyo SR 509 iyo maylka ugu horreeya ee wadada cusub ee dagdaga ee SR 509 Expressway
- Dhisida iswaydaarka cusub ee wadada 24th Ave S.
Jadwalka mashruuca
Mashruuca wadada dagdagaa ee SR 509, I-5 ilaa 24 Ave South waa qandaraaska dhismaha ee labaad heerka koowaad B( stage 1b) ee dhameystirka mashruuca wadada SR 509. Dhismahu waxuu bilaaban dhamaadka 2021 waxuuna dhamaan 2025 dhexdisa. Waaxda gaadiidka gobolka Washington ayaa dhameystirayso mashruuca dhameystirka wadada SR 509 iyadoo kudheystireyso qandaraas dhisme oo saddexaad ( stage 2) heerka labaad inta udhaxeyso sanadada 2024 iyo 2028. Marxaladda 1a, oo ay ku jirto buundada cusub ee SR 99 ayaa hadda la dhisayaa iyada oo qayb ka ah Mashruuca Tareenka Fudud ee Sound Transit lagu gaarsiinayo Federal Way .