English | Русский | Español | Tiếng Việt | Af Soomaali | Tagalog | 简体字
Soo dhawoow
Waaxda Gaadiidka ee Gobolka Washington (WSDOT) waxay dajinaysaa qorshe lagu ogaanaayo horumarinta safarada gaadiidka ee Jidka Gobolka 167 ee Renton ilaa Dekedda Tacoma. Qorshahan, oo loo yaqaan SR 167 Master Plan, sidoo kale waa daraasad Qorshayn iyo Isku xidhka Deegaanka.
Sida looga qeyb qaato
Kulanka furan ee intarneedka wuxuu bixinayaa macluumaad ku saabsan qorshaha guud ee Jidka SR 167. Fadlan booqo bog kasta si aad u ogaato wax badan oo ku saabsan daraasadda, talooyinka aan ka maqalnay xubnaha bulshada ee ku saabsanaa sida loo hagaajiyo socdaalka jidka SR 167, habka aan u isticmaalnay si aan u qiimeyno xalka mustaqbalka, iyo talooyinkeena qabyada ah ee mustaqbalka mashaariicda jidka SR 167.
Kulankan furan waxaa la heli karaa ilaa 15-ka bisha Abriil, 2023.
Sharciga VI ee Ogeeysiinta Dadweynaha
WSDOT waxay xaqiijinaysaa in si buuxda loogu hogaansamo sharciga VI ee Xuquuqda Shacabka ah ee 1964 iyadoo mamnuucday takoorka ka dhanka ah qof kasta oo ku salaysan isir, midab, dhalasho ahaan meesha uu kasoo jeedo, ama lab ama dheddig xagga bixinta faa’iidooyinka iyo adeegyada ka dhashay barnaamijyadeeda iyo waxqabadyada federaalku kaalmeeyo. Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Barnaamijka Sharciga VI ee WSDOT, kala xidhiidh Iskuduwaha Sharciga VI ee Waaxda 360-705-7098.
Macluumaad Xeerka Dadka Maraykanka ah ee Naafada Qaba (ADA)
Macluumaadkan waxa lagu heli karaa qaab kale adigoo iimayl usoo diraya Xafiiska Fursadaha Loo siman yahay ee wsdotada@wsdot.wa.gov ama adigoo si bilaash ah u wacaayo, 855-362-4ADA (4232). Dadka dhegaha la’ ama maqalka u adagyahay waxay samayni karaan codsi iyagoo wacaya Gudbinta Gobolka Washington 711.