Skip to main content

Gu’ga 2022-Kulanka Furan ee Kładka Tooska ah ee Dhamaystirka Mashruuca SR 509

English  |  الترجمه العربيه  |  简体中文  |  Af Soomaali  |  Español  |  Tagalog  |  Tiếng Việt

Soo dhawoow!

WSDOT waxa ay hore ugu sii socotaa heerka ugu danbeeyay (Heerka 2) ee Mashruuca Dhamaystirka Waddada Gobolka (SR) 509 kaas oo fidin doona SR 509 jidka weyn halka uu hadda ku dhammaado koonaha koonfur-bari ee Madaarka Caalamiga ah ee Sea-Tac ilaa Interstate 5 (I- 5).

Kulunkaan furan ee qadka intarneetka ah wuxuu soo bandhigayaa Heerka 2-aad ee mashruuca, sidoo kale loo yaqaan SR 509, 24th Avenue South ilaa South 188th Street – New Expressway Project ,kaas oo lagu wado in dhismihiisa la bilaabo dabayaaqada sanadka 2024-ka.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hawlaha mashruuca ee hadda la dhisayo, booqo WSDOT’s SR 509 Mashruuca Dhamaystirka bogga guriga.

Waa maxay sababta Kulunka Furan ee Qadka intarneedka ah?

Kulamada furan waxay siiyaan xubnaha bulshada fursad ay ku bartaan horumarka mashruuca iyo qorsheynta, ku weydiiyaan su’aalo kulana wadaagaan faallooyinka WSDOT.

Tan iyo markii Mashruuca Dhamaystirka SR 509 uu helay maalgelin, WSDOT waxan qabanay shan kulan oo furan marka lagu daro iskudubarid joogto ah iyo iskaashi lala yeesho hay’adaha maxalliga ah, gobolka, iyo federaalka iyo ururada bulshada. Jawaab celin qiimo leh oo laga helay hawlahan ayaa lagu wargeliyay qorsheynta, naqshadeynta, iyo hirgelinta mashruuca. Qaabka khadka tooska ah wuxuu ka dhigan yahay inaad kaga qaybqaadan karto waqti iyo goobta adiga kuugu habboon.

Sida Looga Qayb Qaato

  1. Booqo bog kasta si aad wax badan uga ogaato mashruuca iyo sifooyinkiisa muhiimka ah
  2. Bixi faallooyin/jawaab celis wakhti kasta adiga oo gujinaya “La wadaag fikradahaaga” dhinaca
  3. Isku qor mustaqbalka iyo fursadaha wadaaga macluumaadka shakhsi ahaaneed adiga oo gujinaya “La soco wixii cusub”  dhinaca

Kulankan furan ee khadka tooska ah wuxuu sii shaqayn doonaa laga bilaabo Maajo 23 ilaa Juun 30, 2022.