Skip to main content

Hordhaca Mashruuca

Waa maxay Mashruuca Dhamaystirka SR 509?

Mashruuca Dhamaystirka SR 509 wuxuu ku fidiyaa jidka weyn ee SR 509 halka uu hadda ku dhamaado koonaha koonfur galbeed ee madaarka Sea-Tac ilaa I-5. Halka jidka cusubi uu dheerar le’egyahay saddex mayl oo keliya, haddana mashruucu aad buu u weyn yahay, hagaajinta isu-socodka gaadiidka, isku xidhka bulshada ee hababka kala duwan, iyo hagaajinta deegaanka ee ka bilaabmaysa Koonfurta 160th Street ee Burien ilaa koonfurta 272nd Street ee Federal Way. Marka la dhammeeyo, Mashruuca Dhamaystirka SR 509 wuxuu kusiin doonaa marin cusub garoonka diyaaradaha ee Sea-Tac iyo dekedaha gobolka, uuna caawin doona qaadista xamuulka waddooyinka maxalliga ah, hagaajinta badbaadada dadka lugeeynaya wanaajin doonana waqtiyada safarka iyo badbaadada waddooyinka ee konfurta King County iyadoo la siinayo beddelka waqooyi-koofur ilaa I-5.

Iyadoo lagu saleynayo naqshadaha hadda jira, mashruucan hordhaca ah ee fiidiyowga ayaa tilmaamaya sifooyinka muhiimka ah iyo faa’iidooyinka Mashruuca Dhamaystirka SR 509. Naqshadda kama dambaysta ahi way ka duwanaan kartaa sawirka halkan ku sawiran.

Jadwalka mashruuca

Mashruuca Dhamaystirka SR 509 horeba wuu u socday. Hawlaha heerka 1a iyo 1b waxaa ka mid ah dhismaha maylka ugu horreeya ee jidka cusub ee SR 509, wadooyin cusub iyo buundooyin isku xidhaya SR 509 ilaa I-5 oo u dhow South 212th Street, isweydaarsiga cusub ee SR 509/24th Avenue South, is beddelka dib loo habeeyey ee I- 5/SR 516, iyo dhismaha darbiyada cusub ee la dheereeya ee sawaxanka. Heerka 2aad waxay ku dhowdahay dhammaadka wejigeeda naqshadaynta fikradeed, iyadoo kooxdu diyaarinayso dukumeenti ogeysiin doona kooxda qandaraaslayaasha 2023. Heerka 2 hawlaha dhismaha ayaa loo qorsheeyay inay bilaabmaan dhammaadka 2024 waxayna dhammaanayaan 2029.

The SR 509 project timeline. Stage 1a ends in 2022. Stage 1b ends in 2025. Stage 2 ends in 2028. Tolling begins late 2025, all labels in Somali.
Heerarka 1a iyo 1b ayaa hadda la dhisayaa. 2023, WSDOT waxay dooran doontaa qandaraasle nakhshad-dhis ah Heerka 2 kaas oo dhamaystiri doona naqshadaynta kama dambaysta ah 2024 oo bilaabi doona dhismo weyn dhammaadka 2024.