Skip to main content

Dulmarka Barnaamijka Gateway

Qayb ka mid ah WSDOT’s Puget Sound Gateway Program

Barnaamijka Gateway ee Puget Sound waxa ku jira labadaba Mashruuca Dhamaystirka SR 509 ee konfurta King County iyo Mashruuca Dhamaystirka SR 167  ee degmada Pierce. Bixinta mashaariicdan si wadajir ah hal barnaamij waxa ay u ogolaataa WSDOT in ay xaqiijiso waxtarka qorshaynta, dib u eegista deegaanka, naqshadaynta, iyo dhismaha.

Si wada jir ah horumarkan ayaa kor u qaadi doona tartanka dhaqaale ee gobolka, heer qaran iyo heer caalamiba, isku xidhka dekedaha waaweyn ee gobolka iyo xarumaha muhiimka ah ee qaybinta ee gobolada King iyo Pierce.

Fiiri muqaalka Barnaamijka Gateway video si aad wax badan uga barato Barnaamijka iyo faahfaahinta mashruuciisa.