Skip to main content

Washington State Department of Transportation online open houses

WSDOT online open houses

English  |  Español  |  Tiếng Việt  |  简体中文  |  Af Soomaali  |  پښتو ژبه  |  አማርኛ

Jidka cusub ee Expressway ee SR 509 dhowaan buu furmayaa!

Kutijaabi si bilaash ah ilaa xagaaga.

Ku maraxso ama ku kaydso $2 lacagta waddada ee Washington markaad haysato kaarka Good To Go!

Hel Good To Go!*

*af Ingiriis

Jid kale oo beddel ah

Maylka ugu horreeya ee expressway-ga cusub ee SR 509 ee lacagta lagu bixiyo wuxuu u dhexeeyaa I-5 wuxuuna socdaa ilaa 24th Avenue South ee koofurta Degmada King County. Labada mayl ee ugu dambeeya (ee gaaraya ilaa South 188th Street) waxay furmi doonaan 2028.

Waxaa jira fiidiyow ku baxaya af Ingiriis kaasoo leh qoraal-hoosaadyo af Soomaali lagu turjumay

Faaiidooyinka Mashruuca Dhammaystirka SR 509

  • Uu gacan ka geysto u maareynta ciriiriga ayadoo la marinayo xamuulka jid kale oo tagaya dekedaha iyo goobaha warshadaha kaasi oo ay bixinayso SeaTac.
  • Uu sii fududeeyo tagitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Tacoma ee Seattle marka laga yimaado dhanka koofureed.

Waxyaabaha ay tahay in la ogaado:

Wax lacag ah lama qaadayo waddooyinka horay usii jiray : Waxaad weli awoodi doontaa inaad isticmaasho waddooyinka aad maanta marayso adoon bixin lacag, kuwaasi oo ay ku jirto wadada haatanba jirta ee SR 509 ee waqooyiga kaxigta South 188th Street.

Qiimayaasha lacagaha lagu bixinaayo Expressway: Qiimayaasha lacagta Good To Go! ee loogu tala galay maylka ugu horreeya ee expressway waxay la filayaa inay u dhexayn doonto min $1.20 illaa $2.40 ayadoo ay ku xiran tahay waqtiga maalinta.

Waxaan jiri doonin wax kareebitaannada HOV ah ama layman jidad oo loogu tala galay taksiyada dadku wada kireystaan ee qarashka ay isku darsadaan
 

Booqo bogga mashruuca SR 509 ee dhammayska tiran*Isu diiwaangali iimaylada mashruuca adigoo isticmaalaya*

*af Ingiriis

Eeg waxa dhacaya

Expressway-ga cusub ee SR 509 kahor
Boosteejada 1b: Maylka ugu horreeya, lagu daray horumarino lagu sameeyay dhanka helitaanka
Boosteejada 2: Labada mayl ee u dambeeya, lagu daray horumarino lagu sameeyay dhanka helitaanka
Mashruuca la dhammaystiray waxaa kujira saddex mayl oo ah jidka expressway ee cusub.
previous arrow
next arrow
 
Expressway-ga cusub ee SR 509 kahor
Boosteejada 1b: Maylka ugu horreeya, lagu daray horumarino lagu sameeyay dhanka helitaanka
Boosteejada 2: Labada mayl ee u dambeeya, lagu daray horumarino lagu sameeyay dhanka helitaanka
Mashruuca la dhammaystiray waxaa kujira saddex mayl oo ah jidka expressway ee cusub.
previous arrow
next arrow

Hel kaarka ama ogolaanshaha Good To Go! si aad ugala soo harto ama u maraxsato $2 qarash kastoo aad ku bixineyso gudaha Washington.

  • Markii aad leedahay akoonka Good to Go!, waxaad xulan kartaa inaad Qarashka Bixiso Adoo Sii Socda waxaana qarash lagugu soo dallacayaa kaliya kadib markii aad isticmaasho jid lacag lagu baxsho.
  • Si aad ugala soo harto ama aad u maraxsato $2 qarash kastoo aad bixinayso, waxaad ku qasbanaan doontaa inaad isu diiwaan galiso akoonka Good to Go! , inaad kaar ama ogolaansho hesho, aadna ku dhajiso gaarigaaga.
  • Haddii aadan haysan akoonka Good To Go!, waxaad bixin doontaa qiime intii hore ka sarreeya oo ah Pay By Mail kadib markii qaansheegga biilka laguugu soo diro boostada.
Good To Go! logo

Hel Good To Go!*

*af Ingiriis

Hageyaal wax caawimo badan oo ku qoran af Soomaali