Skip to main content

Kormeerka badbaadada ee xeer-dejinta nidaamka hagida go’an ee tareenka

English  |  简体中文  |  한국어  |  Русский  |  Af Soomaali  |  Español  |  Tagalog  |  Tiếng Việt

WSDOT waxay soo jeedinaysaa beddelka Cutubka 468-550 Xeerka Maamulka Washington (Washington Administrative Code, WAC), kormeeridaa badbaadada ee xeerarka nidaamka hagida go’an ee tareenka. Ujeedada beddelitan waa in WAC la waafajiyo Sharciga Kaabayaasha Dhaqaale ee Labada Xisbi sida uu wax uga beddelay 49 Xeerka Maraykanka (United States Code, U.S.C.) 5329, kaas oo u baahan wakaaladaha kormeerka badbaadada ee gobolka si ay u sameeyaan kormeero ku salaysan khatarta hagida go’an ee tareenka ee nidaamyada gaadiidka dadweynaha ee ay kormeeraan. Khaas ahaan, wakaaladaha kormeerka badbaadada ee gobolku waxay u baahan yihiin awood ay ku galaan xarumaha wakaaladaha tareenada si ay u sameeyaan kormeero la shaaciyey iyo kuwa aan la shaacin labadaba.  Gobolka Washington waxeey qaadaneysaa xeerarka si ay ugu hoggaansamto U.S.C.

Si aad u codsato noocyada la turjumay ee dukumeentiyadan, booqo: Sharci-dejinta Gobolka Washigton Macluumaadka Xeerka Dadyowga Ameerikaanka ee Naafada Qaba. Waxaad u turjumi kartaa boggan luqadda aad door bidayso adiga oo hoos ugu dhaadhacaya dhinaca midig ee bogga.

Maareeyaha mashruuca
Molly Hughes
360-742-8458
molly.hughes@wsdot.wa.gov