Bandhiga furan ee wargalinka ee khadka onlaynka Qorshaha Gaadiidka Dadweynaha WA
Waxay ka caawiyaan qaabeynta gaadiidka dadweynaha mustaqbalka ee gobolka Washington.
Waaxda Gaadiidka Dadweynaha Washington State Department of Transportation (WSDOT) waxay cusbooneysiineysaa Qorshaha Gaadiidka Dadweynaha Gobolka Washington 2016. Waxaan rabnaa inaan abuurno qorsho si dhab ah wax uga qabanayo baahiyaha gaadiidka xubnaha bulshada oo gobolka Washington oo dhan.
Haddii aadan garaneyn Qorshaha Gaadiidka Dadweynaha, wuxuu u adeegaa sida hagaha qorsheynta mustaqbalka ee gobolkoo dhan ee gaadiidka dadweynaha Washington. Qorshaha wuxuu u dhaqaajiyaa gobolkeena dhinaca nidaamka gaadiidka aad la isugu dhafay, nooc badan oo daboolo baahiyaha bulshooyinka korayo iyo kobcayo. Aqbaartaan waxay u adeegtaa sida fursada lagu hubinayo yoolalka qorsheynta iyo mudnaanada iyadoo lagu darayo cilmi baaris cusub, xog iyo tallo loo marayo ka qeybgalka dadweynaha.
Sharciga gobolka wuxuu u baahanyahay WSDOT inay hormariyaan qorshaha gaadiidka dadweynaha gobolkoo dhan (Xeerka Dib Loo Eegay ee Washington (Revised Code of Washington, RCW) 47.06.110). Sida waafaqsan sharciga, qorshaha waa inuu:
- Cadaynta danaha gobolka ee gaadiidka dadweynaha bixi ujeedooyinka la qiyaasi karo, oo ay ku jiraan tilmaamayaasha faai’dooyinka.
- Aqoonsashada yoolalka gaadiidka dadweynaha iyo doorarka faderaalka, gobolka, goboleedka, iyo hay’adaha deegaanka oo lagu gaarayo yoolalkaas.
- Ku taliyo hababka lagu xiriirinayo gobolka, goboleedka, iyo qorsheynta deegaanka ee gaadiidka dadweynaha ah.
- Ku taliyo hababka loogu xiriirinayo gaadiidka dadweynaha adeegyada iyo noocyada kale ee gaadiidka.
- Ku taliyo sharuuda, oo waafaqsan yoolalka lagu aqoonsaday “2” ka sareyso ansixinada faderaalka jiray ee ay bixiyaan WSDOT ee hay’adaha gaadiidka.
- Ku taliyo xarumaha gaadiidka dadweynaha gobolkoo dhan iyo nidaamka maareynta qalabka, sida looga baahanyahay sharciga dawlada dhexe.
usmada cusboonaysiinta boga guriga furan ee Qorshaha Gaadiidka Dadweynaha (Public Transportation Plan, PTP) oo ka qeybgelint kahor 2023
Si loogu diyaar garoobo cusboonaysiinta Qorshaha Gaadiidka Dadweynaha ee 2026, kooxda qorshaynta waxay falanqeeyeen ururinta daraasado, qorshayaal iyo warbixino hore oo diiradda saaraya gaadiidka dadweynaha ee Washington. Falanqaynta waxaa lagu diiwaan geliyey lix waraaqood oo warbixin kooban ah oo la qoray horraantii 2025. Waraaqahan warbixinta kooban ah waxaa loogu talagalay in lagu wargeliyo qorayaasha, bulshada, warshadaha, iyo la-hawlgalayaasha maamulka heerka sare fahamka Wasaaradda Gaadiidka ee Gobolka Washington (Washington State Department of Transportation, WSDOT) ee mowduucyada, caqabadaha, iyo fursadaha hadda ee gaadiidka dadweynaha guud ahaan gobolka.
Kooxda qorshayntu waxay ururinayaan jawaab-celin ku saabsan waraaqaha warbixinta kooban, oo ay ku jiraan:
- Tani ma ka tarjumaysaa waayo-aragnimadaada ku saabsan gaadiidka dadweynaha?
- Aragtidee ayaa ka maqan waraaqahan warbixinta kooban?
Waxaad akhrisan kartaa mid kasta oo ka mid ah waraaqaha warbixinta kooban hoos:
- Faa’iidooyinka bulshada (PDF 102KB)
- Sida loo cabbiro helitaanka adeegyada (PDF 100KB)
- Baahiyaha iyo meelaha bannaan (PDF 122KB)
- Isbeddellada bulshada (PDF 108KB)
- Meelaha bannaan ee maalgelinta iyo fursadaha (PDF 120KB)
- Siyaasadaha gaadiidka (PDF 113KB)
Ka qeybgelinta hore 2023
Gudaha xagaaga iyo deyrta 2023, WSDOT (Washington State Department of Transportation) ayaa dhameystiray ka qeybgelinta hore oo aqbaarta Qorshaha Gaadiidka Dadweynaha. Ujeedada ka qeybgelintaan hore waxay aheyd ka barashada bulshooyinka gobolkoo dhan wax ku saabsan sida ugu fiican ee loola jaal noqdo si wada jir ah loo hormariyo qorshaha wax ka qabto baahiyaha oo bixiyo xeelado si dhab u hormariyo dhaqaaqa iyo helitaanka dhammaan.
WSDOT ayaa la kulmay bixiyayaasha adeega, ururada bulshada ku saleysan, iyo isbaheysiga kooxaha bulshada u adeegayo dadyowga WSDOT aysan si guul ah ama ku fillan aysan ugu xirmin inta lagu jiray dadaalada wacyigelinta hore:
- Shakhsiyaadka aan guriga laheyn iyo si aan sugneyn guri u leh.
- Dhalinyarada da’da yar.
- Bulshooyinka WSDOT waxay ku qeexaan sida “dadyowga nugul ee bulshooyinka buux dhaafay.”
WSDOT waxay ugu xirantahay kooxaha dhinaca labo qaabood:
- La sameynta warbixin kooban shaqaalaha ama guddiyada bulshooyinka ku saleysan ururada.
- Wareysiyo la sameynta ururada bulshada ku saleysan.
Su’aalaha waraysiga oo ka qeybgal hore ah (PDF 104KB).
Bandhiga warbixinta gaaban oo ka qeybgalka hore (PDF 505KB).
Qariirada goobta ururada WSDOT waxay la shaqeeyeen inta lagu jiray ka qeybgelinta hore.
Tallooyinka ugu sareeyo ee loo bixiyay in lagu hormariyo ka qeybgelinta WSDOT:
- Ku sameey ka qeybgelin sida ugu horeyso oo suurtogalka ah oo xubnaha bulshada iyo la kaashiga ururada ku saleysan bulshada. Tusaalooyinka wareysiyada:
- Ku raac tallada ururada bulshada ku saleysan wax ku saabsan sida loo qaabeeyo ka qeybgelinta.
- Sameey ka qeybgalka dhacdooyinka oo ay dadka horaan ugu socdaan iyo meesha ururada jaalka bulshada ku saleysan ay horaan ugu lahaayeen door ama joogeen.
- Hubinta ka qeybgelinta waa la geli karaa oo way sahlantahay in laga qeybqaato.
- Dhisida xiriiro socdo oo waara ee bulshada iyadoo la muujinayo is waafaqsanaan, xattaa markii aadan jawaab celin aruurineyn. Tusaalooyinka wareysiyada:
- Dib u soo wargeli inaad la jaal noqotid ururada bulshada ku saleysan oo inta u dhaxeyso wajiyada wacyigelinta si aad u ogeysiisid waxa socdo iyo waxa tallaabooyinka xigga yihiin.
- Lahaatid joogitaan is waafaqsan oo dhacdooyinka bulshada xattaa ka baxsan wajiyada ka qeybgelinta.
- Siisid magdhow cadaalad iyo ku haboon waqtiga iyo waaya aragnimada nool. Tusaalooyinka wareysiyada:
- Magdhowga kale ee lacagta ah oo kuwa bixinayo jawaab celinta waqtiga ka qeybgelinta.
- Siinta foojaro, tikidhada baska, ama qaababka kale ee lagu caawiyo baahiyaha maalinlaha.
- Ku sameysid wacyigelin faham fiican oo caqabadaha jiro ee gaadiidka, iyo filashada lagu maqlayo waxyaabaha adag, oo ay ku jiraan dhaliilaha wacyigelinta hore.
- Iskaashi si fudud kula samaysid ururada bulshada ku saleysan, bixiyayaasha adeega bulshada, iyo hogaamada bulshada. Tusaalooyinka wareysiyada:
- La socod siinta jaalalka iyo siinta ogeysiin ku fillan oo ka horeyso wacyigalinta.
- Taageerada, kafaalaha, oo ka qeybgal dhacdooyinka ururada jaalka ay martigelinayaan, abaabulida, ama ka qeybqaadashada.
- Qaado howlaha saadka iyo maamulka, ama howlaha sida tarjumaada iyo fasiraada haddii taasi ay waxtar u tahay ururka jaalka.
- Wadaagida tallooyinka iyo natiijooyinka wacyigelinta markii suurtogal ah.
Si guud ahaan, WSDOT waxay ogaatay in iskaashiyada bulshada xooggan ay ka faa’idayaan labadaba hay’ada iyo xubnaha bulshada. Intaas waxaa dheer, inta lagu jiro iskaashigaan, WSDOT ayaa laga yaabaa inay si fiican u fahmaan baahiyaha bulshada, taasoo u hogaamin karto ka qeybgelin iyo wacyigelin fiican, iyo qorshaha gaadiidka dadweynaha oo si fiican u muujiyo baahiyaha iyo mudnaanada bulshada.