Skip to main content

Dulmar mashruuca

Waa maxay Qorshaha Guud (Master Plan) ee Jidka SR 167, Qorshaynta iyo Daarasaynta Xiriirada Deegaanka?

Deegaanka Puget Sound waa mid sii barwaaqoobaayo soona jiidanaya dad badan iyo kobaca shaqooyinka. Kobacani waxa uu kordhiyaa culayska saaran kaabayaasha gaadiidka iyo adeega, taas oo sababtay ciriiriga taraafikada oo sii kordha iyo baahiyaha dayactirka iyo ilaalinta oo saaiday. Waxaa jirta baahi loo qabo in gudbinta dadka iyo badeecadaha iyadoo la siinayo nidaam gaadiid oo kala duwan oo shaqeeya hadda iyo mustaqbalkaba.

Iyadoo qayb ka ah dadaalka Qorshaha Guud ee Jidka SR 167, WSDOT waxay falanqeyn doontaa aagga daraasadda, waxay ka shaqayn doontaa fahamka qorshayaasha aagga daraasadda waxayna dhegaysan doontaa bulshooyinka iyo hawl wadaagayaasha si loo ogaado baahiyaha gaadiidka kala duwan, hababka, iyo xalalka jidka SR 167. Hawl wadaagayaasha Qorshaha Guud ee Jidka SR 167 waxaa ka mid dowladaha qabaailada degmooyinka, magaalooyinka, dekedaha, ganacsiyada, ururada qorsheynta gobolka, iyo hay’adaha gaadiidka dadweynaha  (King County Metro, Pierce Transit, iyo Sound Transit).

Khariiradan waxay tusinaysaa Qorshaha Guud ee Jidka SR 167 aagga Daraasadda.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Qorshaha Guud ee Jidka SR 167, Qorshaynta, iyo Daraasadda Isku-xidhka Deegaanka, booqo bogga shabakada intarneedka ee mashruuca.

Jadwalka Mashruuca