Skip to main content
WSDOT online open houses

Dajinta qiimaha jidka lacag bixinta I-405/SR 167

English  |  عربي  |  简体中文  |  한국어  |  Русский  |  Af Soomaali  |  Español  |  Tiếng Việt

Calaamadda Guddiga Gaadiidka Gobolka Washington

Soo dhawow

Qayb cusub oo laymanka jidka lacag bixinta degdega ah ayaa la dajiyay inuu ka furmo I-405 inta u dhaxeyso Bellevue iyo Renton ee 2025!  Qeybtan cusub waxay qeyb ka tahay dadaal weyn oo lagu abuurayo 50-maayl wadada jidka degdeg ah ee I-405/SR 167 waxay gaareysaa laga soo bilaabo Lynnwood iyo Puyallup.

Kahor inta aysan furmin qeybtan xigta, Gudiga Gaadiidka Gobolka Washington (Washington State Transportation Commission, WSTC) wuxuu u baahanyahay inuu dajiyo qiimaha iyo xeerarka jidka lacag bixinta oo wadada laymanka jidka lacag bixinta la balaariyay. Gudiga Gaadiidka Gobolka Washington (Washington State Transportation Commission, WSTC) waxay rabaan inay u sameeyaan qiimaha iyo xeerar jidka lacag bixinta oo is waafaqsan wadada oo dhan, oo ay ku jiraan sharciyada baabuur wadaaga iyo saacadaha howlgalka.

Gurigaan furan waxaa loogu tallogalay inuu labadaba la wadaago qiimaha jidka lacag bixinta iyo ikhtiyaarada xeerka ee ay tixgeliyeen Guddiga Gaadiidka Gobolka Washington (Washington State Transportation Commission, WSTC) oo isu keenaan jawaab celintiina ka hor inta uusan Gudiga soo saarin soo jeedinta xeerka jidka lacag bixinta rasmiga ah oo horaantii 2025.  

Khariirada aaga guud ee Puget Sound, iyo I-405 iyo qeybta SR 167 ee la tilmaamay. Inta u dhaxeyso Renton iyo Auburn ee SR 167, iyo u dhaxeyso Lynnwood iyo Bellevue ee I-405, wadada waa babal uu uujineyso leemanka jidka lacag bixinta degdega ah ayaa horay uga shaqeyneyso aagagaas. Ee I-405 u dhaxeyso Bellevue iyo Renton wadada waxaa lagu calaameeyay oranji, taasoo loo calaameeyay sida leenka jidka lacag bixinta mustaqbalka.