Skip to main content

Soo celinta Khidmadaha Jir-marka daaha ee aan la bixin

English  |  简体字  |  한국어  |  Русский  |  Af Soomaali   |  Español  |  Tiếng Việt  |  الترجمه العربيه

Soo ogow marka khidmadaha jid-marka daahday la soo celinayo lacagaha aan la bixin iyo sida loo dhimo biilkaaga

Laga bilaabo Maarso 1, 2023, Good To Go! waxay dib u bilaabi doontaa in ay ka qaado khidmadaha daahay iyo ciqaabaha madaniga ah, iyo codsashada diiwaangalinta lacagaha jid-marka ee aan la bixin. Qaar ka mid ah safaradan ayaa laga yaabaa in lagu qaaday macaamiisha wax ka badan sanad ka hor oo ay noqdaan kuwo aan lacag la siin.

Haddii aad leedahay khidmad jid-mar ahaaneed oo aan la bixin, fadlan hadda qaad tallaabo si aad uga fogaato biil-bixin aad u sareysa. Waxa kale oo jira tillaabooyin aad qaadi karto si aad hoos ugu dhigto qaddarka lagugu leeyahay biilashaada aan la bixin.

Sida ay u shaqeeyaan khidmadaha la daahiyo iyo ciqaabta madaniga ah

Haddii aad bixin waydo khidmadaha jid-marka maalinta kama dambayska ah ee ku qoran biilka jid-marka, waxa lagaa qaadi doonaa $5 ganaax ahaaneed ee lacag daahitaanka awgeed. Haddii aadan bixinin khidmada jir-marka 80 maalmood gudahood, waxaa lagugu soo dalacayaa ogaysiis ciqaab madani ah $40 khidmad jid-mar kasta oo aan la bixin.

Haddii mulkiilaha gaarigu uusan bixinin lacagta ciqaabta madaniga ah 20 maalmood gudahood, Waaxda Ruqsadaynta waxa laga yaabaa inay hakiso diiwaangelinta gaariga.

Sida loo bixiyo biilkaaga jid-marka

Habka ugu wanaagsan ee lacagta lagu bixin karo waa khadka tooska ah ee MyGoodToGo.com. Geli macluumaadkaaga biilka ee sanduuqa “Pay, dispute or lower toll bill” oo riix “Go.” Markaa waxa aad awoodi doontaa in aad bixiso biilkaaga, ama aad furto koonto Good To Go! si aad u kaydsato $1.75 khidmad jid-mar kasta oo aan la bixin.

Waxaad sidoo kale wici kartaa 1-866-936-8246 oo aad kula hadli kartaa shaqaale in ka badan 230 luqadood oo kala duwan. Hubi in biilkaaga kuu dhow yahay, maadaama aad u baahan tahay si aad u bixiso macluumaad muhiim ah si ay nooga caawiso helista biilashaada.

Haddii aadan heli karin biilkaaga, hubi inaad haysato macluumaadka soo socda si kooxdayada adeegga macaamiisha ay kuu caawiyaan:

  • Lambarka ruqsada ee taarigga gaariga, iyo
  • Magaca iyo ciwaanka deegaan ee mulkiilaha gaadhiga ee ka diiwaan gashan Waaxda Ruqsadaynta

Sida aad lacag uga kaydsato biilkaaga

Sida ugu wanaagsan ee aad lacag ugu kaydsan karto biilkaaga bilaa aan la bixinin waa inaad furto koonto Good To Go! Markaad furato koonto, waxaad kaydsan kartaa $1.75 jid-mar kasta oo aan la bixin. Waxa kale oo aad kaydin kartaa ilaa $2 dhammaan khidmadaha jid-marka mustaqbalka haddii aad doorato inaad ka iibsato oo soo dejisato Good To Go! kaarka gaarigaa.

Waxaad koonto ka furan kartaa khadka tooska ah ee MyGoodToGo.com, ama adoo wacaya 1-866-936-8246.

Haddii mar hore lagaa qaaday khidmo jid-mar oo daahday ama ciqaab madani ah, waxaad codsan kartaa in lagaa dhaafo dhamaan khidmadaha iyo ganaaxyada haddii aad bixiso khidmada jid-mar hore marka aad codsato. Si aad u codsato ka dhaafitaanka khidmo iyo ganaax, fadlan wac xaruntayada adeega macaamiisha 1-866-936-8246 oo la hadal wakiil.

Sida loo ogaado haddii aadan bixinin biilka jid-marka

Biilasha jid-marka waxaa lagu soo diraa ciwaanka boostada ee faylka Waaxda Ruqsadaynta. Kani waa isla cinwaanka ku qoran diiwaan gelinta gaarigaaga.

Haddii aad u malaynayso inaad bixinin lacagta jid-marka, laakiin aad waaysay biilkii, ama aanad weligaa helin, fadlan wac xaruntayada adeegga macaamiisha 1-866-936-8246 oo la hadal wakiil. Waa inaad bixisaa magaca iyo ciwaanka guriga ee mulkiilaha gaariga ee ku diiwaan gashan Waaxda Ruqsadaynta, oo ay la socoto lambarka taarikada ee gaariga.

Khidmad jid-mar ee koonto Good To Go! oo aan la bixinin

Haddii aad horaan u lahayd koonto Good To Go! oo lagugu leeyahay baaqi, fadlan xaqiiji inaad lacag u bixiso sida ugu dhakhsaha badan. Marka aan dib u bilowno inaan qaadno khidmadaha daahay iyo ganaaxyada madaniga ah Maarso 1, 2023, khidmad jid-mar kasta oo aan la bixin waxa lagu soo dalacayaa $2 dheeraad ah ee khidmad jid-mar kasta oo aan la bixin koontaada Good To Go! Waxaan sidoo kale kuugu soo diri doonaa boostada biilka lacag bixinta Pay.