Waa maxay hadafka Qorshaha Guud ee Jidka SR 167?
Qorshaha Guud ee Jidka SR 167 wuxuu tilmaami doonaa xalka loogu talagalay in lagu fududeeyo dhaqdhaqaaqa dadka ku safraya isagana goosha jidka SR 167 iyagoo usocdo shaqo, dugsiga, safarrada kale ee muhiimka ah iyo kuwa aan muhiimka ahayn, iyo aaladaha taageera dhaqaalaha. Ku safridda iyo guud ahaan jidka SR 167 wuxuu ahaan doonaa badbaado, isku xiran, adkeysi leh laiskuna halayn karo. Qorshaha Guud ee Jidka SR 167 wuxuu ku dadaali doonaa xalka wax ku ool ah:
- In mudnaanta la siiyo baahiyaha bulshooyinka nugul iyo kuwa culayska badan haysto.
- In la yareeyo caqabadaha muuqda ee nidaamka gaadiidka ee hadda jira,
- Taageeridda istaraatijiyadda Kobaca ee Guddiga Deegaanka Puget Sound (PSRC)
- Fududaynta gaadiidka dadweynaha iyo safarada firfircoon.
- aageeridda korriinka la saadaaliyay iyo isbeddellada isticmaalka dhulka,
- U adeegidda dhaqdhaqaaqa xamuulka, iyo
- Yareeynta soo daynta qiiqa hawada wasaqeeya ugu dambeyn-na sababa in cimiladu kuleel noqoto.
Sidee Waaxda Gaadiidka Dadweynaha ee Gobolka Washington (WSDOT) ku ogaan doontaa markay gaartay Qorshaha Guud ee hadafka Jidka SR 167?
WSDOT waxay ogaan doontaa inaan gaarnay hadafka Qorshaha Guud markaan gaarnay yoolalka soo socda:
Sinnaanta: Bixinta xulashooyin gaadiid oo kala duwan oo wax ka qabta baahiyaha bulshooyinka nugul iyo kuwa culayska badan saaranyahay ee ku teedsan jidka SR 167.
Badbaadada: Horumarinta xaaladaha badbaadada ee hadda jira iyo xaaladaha badbaadada mustaqbalka.
Deegaanka: Samaynta isbadalka yareeynaayo qiiqa hawada kululeeyo iyo yaraynta saamaynta deegaanka.
Qaabab Kala duwan: Samaynta isbadal dhab ah sida dadka iyo alaabtu u safraan iyadoo la taageeraayo Istaraatiijiyada Kobaca Deegaanka. Diiradda oo la saaraayo xarumaha kobaca Deegaanka, xarumaha wax soo saarka iyo ganacsiga, iyo xarumaha degmooyinka oo dhan iyada oo loo marayo maalgelinta habab badan iyo hay’ado badan. Yareynta baahida baabuurta halka qof ku safraayo iyo baabi’inta caqabadaha dhammaan hababka xaddidaya isku xirnaanta gabi ahaan jidka.
Dhaqdhaqaada iyo Dhaqaale Shaqeeynayo: Maaree dhaq-dhaqaaqa socdaalada maxaliga ah, deegaanka, gobolka, iyo gobolada dhexdooda; ka faa’iidayso horumarinta tignoolajiyadda; taageer horumarinta dhaqaalaha; oo tixgeli baahiyaha gaarka ah ee dhammaan socotada iyo hababka socdaalka, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqa xamuulka, safarada firfircoonida, iyo gaadiidka dadweynaha.
Xal Wax ku ool ah iyo Dayactir Wanaagsan: Soo ogoow istaraatijiyad wax ku ool ah, la fulin karo, oo la maalgelin karo wakhtiga dhabta ah iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo dayactirka Wanaagsan inta ay xarunta jirto. Xaaladda Dayactirka Wanaagsani waxa ay tilmaamaysaa xaaladda xarumaheena marka ay sida ugu fiican u shaqeeyaan.