Waa maxay habka loo maraayo daraasadda?

Kooxda mashruucu waxay ku bilaabeen xaalad gundhigeed iyo afar xaalad mowduuc
- Gundhigga: Dhammaystirka mashaariicda si buuxda loo maalgeliyey ee aagga daraasadda.
- Transportation System Management and Operations (TSMO):
- maaraynta taraafikada kaabayaasha jira; mashruucyo badan oo qaabaysan oo dhameystiran.
- Xarumaha: Hagaajinta isku xidhka goobaha la aado iyo xarumaha gobolka; isku xirka hababka kala duwan ee isaga goosha xarumaha.
- Haadadka Gaadiidka Deg dega qabo ee lacagta laga bixiyo + Gaadiidka Dadweynaha: Dhisidda jidka SR 167 haadadka deg dega ah lacagta laga qaado ee la balaariyay; ee ay dhamaystirayaan mashruucyada kala duwan.
- Awoodda Istaraatiijiyadeed: Dib u eegista cusuban ee 2008 Corrider Master Plan oo ay ku jiraan awoodi u jeedada guud oo ay dhamaystirayaan mashruucyada kala duwan.
Kooxdu waxay abaabushay in ka badan 200 mashruuc oo lagu tilmaamay wajiyadii hore si ay u tijaabiyaan natiijada iyo horumarka jidka SR 167 ee Qorshaha Guud ee hoos yimaada go’aamo maalgashi oo kala duwan; fahmaan noocyada mashaariicda iyo isku-dhafka kuwaas oo beddela gaadiidka ee marinka; iyo bixinta macluumaadka si ay gacan uga geysato sifaynta qaybo yar oo xaalado ah kuwaas oo ku xidhan falaqaynta faahfaahsan.
Iyadoo kooxdu ay daraastay xaaladaha mowduuca, waxaan sidoo kale ka codsanay jawaab-celinta bulshada munaasabadaha sida carwooyinka iyo ciidaha, aqoon-is-weydaarsiyada wax-abuurka, iyo gurigeena ugu horreeya ee online-ka ah (tixraac qaybta Soo-bandhigidda Xagaaga iyo Ka-qaybgalka). Jawaab-celinta muhiimka ah ee aan ka maqalnay shaqadan waxaa ka mid ah ballaarinta awoodda SR 167, hagaajinta isku xirnaanta I-5, I-405, SR 18, SR 512, iyo isweydaarsiga kale, ballaarinta adeegyada gaadiidka, iyo taageerada qorsheynta mustaqbalka.
Waxaan sidoo kale ka soo uruurinay jawaab celin Guddiga La-talinta Farsamada, Guddiga La-talinta Siyaasadda, iyo Guddiga La-talinta Sinnaanta ee ku saabsan xaaladahayada mowduuca. Kooxda mashruucu waxay ka guureen muuqaalo mawduucyo ah una guureen saddex xaaladood oo qaabab-badan.
- Xaalada A: wuxuu diiradda saarayaa maalgelinta kaabayaasha gaadiidka ee ballaaran iyo ka faa’iidaysiga wada-hawlgalayaasha wakaalada gaadiidka iyo qorshayaashooda oo ay la socoto haadka labaad ee degdegga ah iyo horumarinta isdhaafsiga istaraatiijiga ah ee jidka SR 167.
- Xaaladda B: waxay diiradda saartaa maalgashiga Jidka SR 167 oo ay ku jiraan dhowr hagaajinta kala wareegaiyo waddo labaad oo degdeg ah si ay u caawiso wax ka qabashada buuxdhaafka taraafikada, horumarinta gelitaanka xarumaha gobollada, iyo taageeridda adeegga basaska soo noqnoqda ee Jidka SR 167.
- Xaaladda C: wuxuu diiradda saarayaa maalgashiga si loo horumariyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka xamuulka qaada ee marinka SR 167 ee ka yimid SR 512 ilaa SR 18.
Iyadoo lagu saleeynaayo daraasaynta saddexda xaaladood ee la sifeeyay ama tafaftiray iyo jawaab celinta shuraakadayada iyo xubnaha bulshada, kooxdu waxay diyaar u tahay inay soo bandhigto talo qabyo ah. Taladan waxaa ku jiri doona mashaariic iyo xeelado laga soo qaatay xaalad kasta oo ka faa’iidaysan doonta dhammaan bulshooyinka ku teedsan waddada.
Xaalada
Kooxda qorsha guud ee SR 167 waxay eegeen saddex xaaladood oo latirfactiray. Xaalad kastaa waxay tijaabisay mashruucyo iyo xeelado isku dhafan oo kala duwan.
Saddexda xaaladoodba waxa ku jiray mashruucyo aasaasi ah iyo xeelado kuwaas oo ah horumarin aasaasi ah oo ku salaysan wixii aan ka maqalnay bulshada. Mashruucyadani waxay ahaan doonaan talada kama dambaysta ah.

Xaalada A: $5.0-5.5 Bilyan
Xaaladda A waxa uu leeyahay maalgashi gaadiid oo muhiim ah, hagaajinta waddooyinka ee halbowlayaasha is-bar-bar yaacaya, iyo qaddar aad u badan oo ah Transit System Management and Operations (TSMO). Xaaladdani waxa kale oo uu leeyahay Baska Bus Rapid Transit ee SR 167 kaas oo isticmaali kara marinka tooska ah ee xarumaha Sumner, Auburn, iyo Kent.

ARRINKA MUHIIMKA: Xaaladani waxa ay qiimeeysay waxyaabaha laga hello iyo faa’iidooyinka maalgashiyada waaweyn ee gaadiidka iyo waddooyinka maxalliga ah. Xaaladdani waxa ay kooxda ka caawisay inay fahmaan faa’iidooyinka ay u leedahay gaadiidka ballaadinta marinada gaadiidka ee aagga daraasadda laga sameeyey ee isku xidhaya aagagga mudnaanta sinnaaanta leh (ay kubadanyihiin dad tabaryar oo uu culaysna haysto) iyo meelaha ay bulshadu tilmaantay in loosocdaalo, sida xarumaha dhaqanka ee muhiimka ah. Ugu dambeyntii, xaaladdani waxaa ay qiimeeysay faa’iidooyinka maalgashi ballaaran ee isku xirnaanta hababka kala duwan gaar ahaan xarumaha kobaca ee gobollada, xarumaha warshadaha wax soo saarka iyo meelaha mudnaanta sinnaanta leh.
Scenario B: $5.5-6.0 Billion
Xaalad B wuxuu dib u eegayaa maalgashiga gaadiidka ee aagga daraasadda wuxuuna si toos ah u bixiyaa maalgelin dheeraad ah ee SR 167. Xaalkani wuxuu diiradda saarayaa is-weydaarsiga iyo buuxdhaafka taraafikada ee loo soo qaatay arrimo ay bulshadu leedahay. Qaar ka mid ah mashaariicda caanka ah ee xaalkani waxaa ka mid ah dib-u-dhiska isweydaarsiga ee waddada. Dib-u-dhis dheeraad ah ayaa ka dhici doona is-weydaarsiga SR 18/SR 167 si loo hagaajiyo qaybaha Marmarka ee gaban iyo gaabisyada kale ee keeni kara xaalado amni. Scenario B waxa kale oo ay bixisaa marin toos ah oo laga bilaabo SR 167 ilaa xarumaha gaadiidka, laakiin waxa ay diiradda saartaa saddex meel ila meel oo waddooyinka tareenno joogto ah si kaduwan SR 167 Bus Rapid Transit ee lagu soo jeediyay Scenario A.

ARRINKA MUHIIMKA: Xaalkani waxa uu qiimeeyay waxa laga helaayo iyo faa’iidooyinka maalgashiyada waaweyn ee isweydaarsiyada SR 167 si loogaaro xarumaha kobaca dhaqaalaha gobolka iyo xarumaha wax soo saarka iyo warshadaha. Waxay wax ka qabataa caqabadaha gaadiidka iyo xamuulka ee ay tilmaameen bulshada iyo hay’adaha deegaanka. Waxay qiimaysaa isku xidhka gaadiidka tooska ah ee meelaha gobolku u socdo halkii ay ka ahaan lahayd nidaamka gaadiidka degdega ah ee baska ee SR 167.
Xaaladda C: $4.5-5.0 Billion
Marxaladda C waxay diiradda saaraysaa haadka kaliya xamuulka baabuurta waa weyn laga soo bilaabo jidka SR 18 ilaa Jidka SR 167 la balaariyay ila Puyallup. Horumarinta marxaladda C waxay iibinaysaa haad labaad oo deg deg ah oo baabuurta xamuulka ah loogu talagalay si ay u caawiyaan baabuurta xamuulka ugu safraan waqtiga lagu kalsoonaan karo. Marxaladdan waxaa ka mid ah horumarinta dhowr isweedaarsi jidadka yar yar iyo jidadka waa weyn sida SR 18 iyo SR 410/SR 512.

ARRINKA MUHIIMKA: xaaladani waxa ay qiimeeysay faa’iidooyinka iyo ganacsiga haadka xamuulka ee SR 512 ilaa SR 18 si loo gaaro goobaha wax soo saarka iyo warshadaha ee Auburn iyo Sumner.