Yaan la hadalnay?

Maxaan Maqalnay?
Iyada oo laga duullayo waxa aan ka maqalnay xubnaha bulshada si shaqsi ah, si fogaan arag ah, faallooyinka laga soo gudbiyey kullamaddii furnaa ee hore ee khadka intarneedka, kooxda mashruucu waxay tilmaameen mowduucyo muhiim ah. Mawduucyada guud ee caadiga ah waxaa ka mid ahaa:
- Ballaarinta awoodda
- Isku xirnaanta oo la hagaajiyay
- Qorshaynta mustaqbalka
Jawaab-celinta xagaaga oo dhan la soo ururiyay ayaa mudnaanta siisay adeegga gaadiidka la isku halayn karo, buuxinta dariiqyada laamiyada iyo meelaha bannaan ee waddooyinka, hagaajinta amniga iyo muuqaalka iftiinka, yaraynta buuxdhaafka taraafikada, iyo yaraynta caqabadaha dadka kusafraya Jidka SR 167 oo ay ku jiraan qiimaha lacag bixinta. Mashruucyadani waxay ka caawiyaan kooxda mashruuca inay fahmaan waxa ay tahay in lagu daro markii la haggaajinayo saddexda xaaladood ee la sifeeyey ama la tilmaamay. Mashaariicdaas waxaa ka mid ah:
- Wadooyin cusub oo bari-galbeed ah
- Wadooyin cusub oo bari-galbeed ah
- Aagag/adeegyo cusub oo gaadiidka laga rabo (tusaale, Via, Pingo)
- Adeega habeen/maalinta oo badan
- Isku xirka meelaha gobollada la aadayo
- Isku xirka baaskiilka iyo lugaynta cusub ee wadooyinka gobolka
- Ku dar/hagaajinta waddooyinka dhinacyadeeda iyo dariiqyada baaskiilka iyadoo la adeegsanayo isweydaarsiga iyo guud ahaan Jidka SR 167
- Buuxinta daldaloolada laamiga ee xarumaha kobaca gobolka
- Iftiin cusub, gelitaan, iyo maalgelin ku samaynta waddooyinka gobolka
- Waddooyin cusub oo la maareeyey (tall/caabud) oo ku yaal SR 167
- Horumarka is-weydaarsiga badan ee SR 167
- Horumarin badan oo ku saabsan halbowlayaasha
- Helitaanka xamuulka oo la hagaajiyay marka la isweydaarsado
- Lagu taliyay barnaamijka lacag bixinta ee dakhliga hoose ee gobolka oo dhan
Balaadhinta Waddada SR 167
Faallooyinku waxa ka mid ahaa codsashada haad badan (High Occupancy Toll (HOT) ama waddooyin lacag-bixineed, leeman ballaadhan, iyo dariiqyo dhaadheer si ay uga caawiyaan dhimista buux dhaafka taraafikada..

Yaraynta buux dhaafka Taraafikada
Buux dhaafka gaadiidka, gaar ahaan waqtiyada safarka ugu badan, ayaa caqabad weyn ku ah safarka. Talooyinka lagu dhimayo buux dhaafka taraafikada waxaa ka mid ah leen dadka dakhligodu hooseeyo, wadooyin badan oo SR 167 ah (Gawaarida lawadaraaco, jidad lacag-bixineed, jidad baabuuta xamuulka ), isgoysyo la hagaajiyay, iyo leeman cusub oo lagu sookordhiyo waddoyinka maxaliga.

Isku xirka gaadiidka
Waa in la helaa gaadiid la isku halayn karo iyo xalal ay ka mid yihiin wadooyin iyo adeegyo tareen oo aad u balaadhan, helitaan sahlan oo gaadiidka, baarkinada gaadiidka oo badan, adeega gaadiidka oo badan, iyo adeega gaadiidka saacadaha badan ee shaqaalaha kujiro shiftiyada /adeegyada habeenkii, gaar ahaan meelaha warshadaha.

Isku xirka Luggeyayaasha iyo Baaskiilkada
Waxa jira daldaloolo ka jira laamiga dhinaciisa, jidadka baaskiilka, iyo habka waddooyinka dadka waxayna dadka ku adkeeyaan inay safraan. Waxaa jirta baahi loo qabo in la bixiyo habab badan oo lagu galo wadooyinka dadka un ay maraan ee loo yaqaano taraylka iyo in lasiiyo dadka lugeynaya iyo baaskiilada hab ay ku gaaraanka oo ku xireyso gaadiidka dadweynaha. SR 167 waxay noqon kartaa xannibaad sababtoo ah la’aanta waddooyinka laamiyada agtooda ah ama goobaha baaskiilka ee isgoysyada, buundooyinka, ama isgoysyada hoostooda.

Hagaajinta Wadooyinka Deegaanka
Horumarin badan oo waddo maxalli ah ayaa la abuuri karaa iyada oo la wanaajiyo isweydaarsiga SR 167, iyadoo lagu darayo jidad toos ah laga galo waddada, iyo abuurista isku xirka xaafadaha.

Badqabka
Jidka SR 167 waxa uu ka faa’iidaysan karaa horumarka badbaadada sida kororka nalka, kala soocida baabuurta iyo dadka, buux dhaafka taraafikada, iyo ku darida garbaha ballaaran ee waddada(meelo gaar ah oo baabuurtu ku tagi karaan xaalad degdeg ah).

Qaybta soo socotaa waxay soo koobaysaa wixii aan ka maqalnay bulshada ee ku saabsan gaadiidka, baaskiilka iyo socodka, iyo baahida baabuurta iyo xamuulka ee marinka. Mawduuc kasta waxa ku jira khariidad muujinaysa mashaariicda ku jira Muuqaalka La-Taliyo ee ka hadlaya baahida safarka. Tusaale ahaan, si wax looga qabto caqabada gaadiidka la isku halayn karo oo la heli karo, Muuqaalka lagu taliyay waxa ku jira waddooyin tareen oo cusub ama la kor loo qaaday .