Guudmarka mashruuca
Wadada SR 509/24th Avenue South ilaa South 188th Street ee mashruuca wadada cusub ee deg dega lagu maro waa heerkii ugu dambeeyay ee dhamaystirka mashruuca SR 509 horumarinada, kaasoo ku xiraayo SR 509 ilaa I-5 ee xaafadda SeaTac.
Marka mashruuca dhammaado 2028, dadka ku safraya aagga waxay awoodi doonaan inay kor maraan SR 518 iyo waddooyinka maxalliga ah marka ay u safrayaan inta u dhaxaysa I-5, Sea-Tac Airport, Dekedda Seattle iyo xarumaha dadweynaha ee koonfurta King County.
Xubnaha bulshada waxay la kulmi doonaan baabuur yar oo konteenar ah oo ku socda waddooyinka maxalliga ah maadaama darawallada xamuulku ay heli doonaan waddo cusub oo ay ku gaaraan meelaha ay u socdaan.
Qeeybta cusub ee wadada SR 509 lacag ayaa lagu maraayaa Inta uu dhismaha socdo iyo marka la dhammeeyo dhismaha, dadku waxay weli isticmaali karaan meelaha ay hadda maraan ee SR 509 iyo I-5, dadkana lacag kuma mari doonaan wadooyinka ay maanta isticmaalaan.
Maxaa ku jira mashruuca?
Mashruuca wadada SR 509/24th Ave South ilaa South 188th Street ee jidka deg dega ah (Expressway) waxaa ka mid ah:
- In ka badan laba mayl oo waddada deg dega ah
- Haad dheeri ah oo ku wajahan koonfurta I-5 inta u dhaxaysa SR 516 iyo South 272nd ee waddada Kent.
- Wareegyo (roundabouts) ee South 160th Street ku yaalo xaafadda Burien iyo South 188th Street ee xaafadda SeaTac.
- Darbiga cusub ee sawaxanka yareeyo
- Soo celinta meelaha dabiiciga ah ee ku yaalo wadada mashruuca
Jadwalka Mashruuca
Hawlaha hore ee dhismaha waxaa ka mid ah jaridda dhirta gabi ahaanba aagga mashruuca. Shaqada dhismaha ugu culus waxay bilaaban doontaa dayrta 2024 Fiiri aagagga shaqada ee boggaga soo socda si aad u ogaato waxa laga filan karo meelaha aad ku nooshahay, ka shaqeysid kuna safarto.
Mashruuca Dhamaystirka SR 509 horeyba dhismaha wuu u socday. Marxaladda 1a waxa loo furay taraafikada 2022, Marxaladda 1b waxa la filayaa in loo furo taraafikada 2025, iyo Marxaladda 2 waxa la filayaa in loo furo taraafikada 2028.