Skip to main content
WSDOT online open houses

Waxaan ku noolahay, ka shaqeeyaa, ama waxaan ku safraa Des Moines, SeaTac, iyo koonfurta Burien

Isweydaarsiga cusub ee SR 509/South 188th Street wuxuu hadda heli doonaa dhammaan jihooyinka safarka.

Si loo soo dhaweeyo isbeddelkan qaababka taraafikada oo loo hagaajiyo badbaadada, WSDOT waxay dib u dhisi doontaa isweydaarsiga iyadoo ku daraysa wareegyo (roundabouts).

Taraafikada koonfurta ku wajahan ee SR 509, isweydaarsiga South 188th Street ayaa noqon doona ka bixitaanka ugu dambeeya kahor inta aadan ku socon wadada degdega ah (Expressway) ee lacagta lagu maro.

Samaynta Isweydaarsiga Waddada SR 509/Koonfurta 188aad

Shaqaalaha waxay filayaan inay bilaabaan dhismaha aaggan sida ugu dhaqsiyaha badan xagaaga 2025, iyagoo ka bilaabaya wadooyin ku meel gaar ah si loo abuuro aagagga cusub ee shaqada.

Haddii aad ku nooshahay meel u dhow, ama ka shaqayso meel u dhow, ama aad dhex marayso isweydaarsiga SR 509/South 188th Street, filo sawaxan, boodh, iyo qaabka taraafikada isbeddelka caadiyan la xidhiidha dhismaha wadada. Gelitaanka maxalliga ah ee ganacsiyada waa la ilaalin doonaa.

Waddada degdega (Expressway) cusub ee SR 509

Jidka cusub ee degdega SR 509 wuxuu ka sii socon doonaa koonfurta laga bilaabo isweydaarsiga South 188th Street, isagoo ka gudbaya Lake ilaa Sound Trail, ee hoos timaada South 192nd Street, ee dulmara Des Moines Memorial Drive, iyo South 200th Street iyo Des Moines Creek Park ka hor inta aan lagu xidhin qaybta cusub Jidka SR 509 Expressway (wadada deg deg ah) ee u dhow 24th Ave South.

Haddii aad isticmaasho Lake ilaa Sound trail: Dariiqu wuxuu ahaan doonaa inta badan mid furan inta dhismuhu socdo. Shaqaalaha waxaa laga yaabaa inay xidhaan jidka si ay u dejiyaan xidhmooyinka buundada ama u oggolaadaan qalabka dhismaha inay ka gudbaan jidka. Xaaladahan, waxaa jiri doona calamo iyo tillaabooyinka xakamaynta taraafikada si loo hago isticmaalayaasha waddada. Filo sawaxanka sida caadiga ah oo la xidhiidha dhismaha iyo mashiinada culus.

Haddii aad isticmaasho South 192nd Street: Wadada waxa ay xidhnaan doontaa dhammaan taraafikada muddo sagaal bilood ah, laga bilaabo waqtiga ugu dhakhsaha badan 2025, halka shaqaaluhu ay dhisayaan buundada cusub ee South 192nd Street taas oo isku xiri doontaa wadada mustaqbalka ee SR 509 Expressway oo hoos mari doontaa. Waxaan idin la wadaagi doonaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goorta xubnaha bulshadu filan karaan xiritaankan marka aan helno jadwalka ugu dambeeya ee dhismaha buundada ee South 192nd Street.

Haddii aad isticmaasho South 194th Street: Isku xirka South 194th Street ee Des Moines Memorial Drive si joogto ah ayuu u xirmi doonaa. Xiritaankani wuxuu dhici doonaa ka dib marka la dhammeeyo buundada South 192nd Street oo ay u furan tahay socotada.

Haddii aad ku nooshahay meel u dhow South 194nd Street: Waddada cusub SR 509 ee degdega ah waxay dhex mari doontaa aaggan. Inta badan shaqadu waxay dhici doontaa maalintii, iyo hawlaha dhismaha qaarkood habeenkii ayaa loo qorsheeyay sida loogu baahdo. Filo sawaxan maalinkii iyo boodh caadi ahaan la xidhiidha dhismaha culus.

Bandhigga SR 509/Koonfurta 192aad

Haddii aad isticmaasho Des Moines Memorial Drive, inta u dhaxaysa South 200th Street: Qaar ka mid ah xidhitaannada habeenkii ayaa loo qorsheeyey in la dejiyo guntimaha buundooyinka iyo in la qabto hawlo kale oo dhismo ah.

Samaynta isgoyska SR 509/Des Moines Memorial Drive

Haddii aad isticmaasho Wadada Des Moines Creek: Dariiqu wuxuu ahaan doonaa mid furnaan doona inta dhismuhu socdo. Shaqaalaha waxaa laga yaabaa inay xidhaan jidka si ay u dejiyaan xidhmooyinka buundada ama u oggolaadaan qalabka dhismaha inay ka gudbaan jidka. Xaaladahan, waxaa jiri doona calamo iyo tillaabooyinka xakamaynta taraafikada si loo hago isticmaalayaasha waddada. Filo buuqa sida caadiga ah la xidhiidha dhismaha iyo mishiinada culus.

Haddii aad isticmaasho South 200th Street:  Wadada South 200th Street waxay ahaan doontaa mid furan maalinta inta lagu guda jiro dhismaha socdo taraafikada lama wareejin doona Xiritaanno soo noqnoqda oo habeenkii ah ayaa loo qorsheeyey in la dhiso jidka degdega ah ee sare.

Samaynta Isgoyska SR 509/Koonfur 200aad

Waxaad wax badan ka baran kartaa waxa WSDOT u qorsheeysay mid kasta oo ka mid ah goobahan adoo booqanaya SR 509 jidka degdega ah ee khariidad is dhexgal ah.