Si loo meel mariyo isbeddelada qaababka taraafikada loona hagaajiyo badbaadada, WSDOT waxay dib u dhisi doontaa isweydaarsiga SR 509/South 160th Street iyada oo ku dari doonta wareegyo.
Haddii aad ku nooshahay meel u dhow, ka shaqeeyso meel u dhow, ama aad dhex socdaasho isweydaarsiga SR 509/South 160th Street filo sawaxan, boor, iyo isbadal habka taraafikada badanaa la xiriira dhismaha wadada.
Shaqada isweydaarsiga SR 509/South 160th Street waxay bilaabatay xagaaga 2024, laga bilaabo shaqada dhismaha biyo-mareenka.
Shaqada isweydaarsiga SR 509/South 160th Street waxay u baahan doontaa xidhitaanka sabtida iyo axada ee South 160th Street.
Waxaan idinla soo wadaagi doonaa macluumaad dheeraad ah marka taariikhaha xidhitaanka la go’aamiyo. Goobaha sida maxaliga looga galo ganacsiyada iyo guryaha deegaanka ah waa la ilaalin doonaa.
Wareegyada (Roundabouts)
Daraasado ayaa muujinaayo in hareeraha isgoysyada ay ka amaan badan yihiin calaamadaha is-hakinta ama isgoysyada is-xakameynta taraafikada. Si aad u ogaato wax badan oo ku saabsan sida loogu safro wareegyada adigoo lugeeynaayo, baaskiil wado, ama darawal ah, fiiri WSDOT’s bogga badbaadada taraafikada ee wareega.
Derbiyada sawaxanka
Hal darbi sawaxan ayaa laga dhisi doonaa koonfur-galbeedka SR 509/South 160th Street isweydaarsiga ku teedsan SR 509 ee ku wajahan wareega jidka laga fuulo. Darbiga labaad waxa laga dhisi doonaa waqooyi bari ee SR 509/South 160th Street isweydaarsiga u dhexeeya Fourth Avenue iyo SR 509 ee ku wajahan waqooyiga.
Haddii aad ku nooshahay meel u dhow mid ka mid ah darbiyada sawaxanka ee qorshaysan ee agagaarka isweydaarsiga SR 509/South 160th Streeet, waa inaad fileeysid in shaqaalaha sahanku ay ku soo gaaraan ka hor inta uusan dhismaha bilaaban.
Inta dhismaha socdo, shaqaalaha waxay isticmaali doonaan mashiino si ay u qodaan aasaaska gidaarka sawaxanka, iskuna dhejiyaan ciidda, ku shubaan shubka aasaaska gidaarka sawaxanka, oo ayna ku rakibaan albaabbada shubka cusub.
Dhismaha gidaarada sawaxanka ayaa la filayaa inuu socdo lix ilaa sagaal bilood iyadoo ku xidhan xaaladaha goobta dhismaha.
Derbiga buuqa ah ee kooxda mashruuca ku dhameeyeen Marxaladda 1b ee Mashaariicda Dhamaystirka SR 509.
Qandaraaslayaasha waxaa looga baahan yahay inay buuxiyaan kala duwanaanshaha sawaxanka maxalliga ah waxayna qaadi doonaan tillaabooyin ay ku yareynayaan sawaxanka iyo hawlaha laga yaabo inay carqalad keenaan ee dhismaha Hababka ugu wanaagsan ee lagu maareeyo sawaxanka iyo dhismaha deriska la ah ganacsiyada u dhow waxaa ka mid ah:
- In la siiyo dadka degan agagaarka ogaysiis hordhac ah oo ku saabsan shaqada habeenkii ee buuqa badan.
- Qooynta/ rusheeynta dhulka si looga hortago boorka.
- Sariiraha gawaadhida dahaarka si ay uga caawiyaan daadinta walxaha iyo xadidaada joogsiga dhaqsaha ah.
Su’aalo ama walaac/ tabasho
Haddii aad qabtid su’aalo ama walaac ku saabsan dhismaha wakhti kasta, waxaad had iyo jeer la xidhiidhi kartaa kooxdeena xaga khadkeena 24-saacadood, 206-225-0674, ama SR509Construction@wsdot.wa.gov.