Revive I-5 Dayactirka Buundada Ship Canal

Share Revive I-5 Dayactirka Buundada Ship Canal on Facebook Share Revive I-5 Dayactirka Buundada Ship Canal on X (formerly Twitter) Share Revive I-5 Dayactirka Buundada Ship Canal on Linkedin Email Revive I-5 Dayactirka Buundada Ship Canal link

I-5/Yesler Way ilaa Northgate Vic – Laamiga, Dusha buundada, isku xirka iyo Biyo-mareenka

Waddada I-5 dhanka ku wajahan waqooyiga ee Seattle waxaa lagu soo koobay laba haad oo keliya marka laga gudbayo Buundada Ship Canal ilaa bisha Juun. Haadadka deg degga ah waxay 24 saac maalintii u shaqayn doonaan oo keliya dhanka ku wajahan waqooyiga.

Haadad dhimista mashruuca Revive I-5 labada haad ee dhanka bidix ee Buundada Ship Canal wuu sii jiri doonaa ilaa ay ka bilaabmaan ciyaaraha Koobka Adduunka FIFA ee magaalada Seattle. Shaqada waxay 10-ka Luulyo dib ugu soo laaban doontaa labada haad ee midig ee waqooyiga ku wajahan, waxayna socon doontaa ilaa dhammaadka 2026.
Guudmarka mashruuca

WSDOT waxay dhistay waddada I-5, oo ah waddada ugu weyn ee Washington, sanadihii 1960-meeyadii. Qaybta ugu mashquulka badan waxay dhex martaa magaalada Seattle, iyadoo ku dhowaad 240,000 baabuur ay maalintii maraan waddada I-5 ee Buundada Ship Canal. Dayactirkii weynaa ee ugu dambeeyay ee hagaajinta Buundada Ship Canal waxaa uu dhacay in ka badan 40 sano kahor, waxaana hadda loo baahan yahay dayactir iyo dusha ka dahaaridda (shamiitaynta) si loo kordhiyo cimriga buundada loogana caawiyo ka fogaanshaha in haadadka ama waddada weyn si lama filaan ah u xirmaan.

Iyadoo loo maraayo Revive I-5: Mashruuca Dayactirka Buundada Ship Canal, WSDOT waxay dayactiri doontaa dibna shamiita u marin doontaa dusha sare ee buundada, waxay beddeli doontaa shamiitada iyo isku xirka fida ee buundada ee gaboobay, hagaajin doontaa biyo-mareennada, waxna ka qaban doontaa arrimo kale oo dayactir ah. Dhismaha weyn wuxuu billowday xagaagii 2025, wuxuuna sii socon doonaa illaa 2027.

  • Jadwalka: 2020-2027
  • Marxaladda mashruuca: Dhismaha
  • Maalgelinta: $203 milyan

Waxa la fili karo

Waxaa naga go’an inaan kaa caawino inaad gaarto Seattle si aad qibrad uga hesho wax walba oo ay magaalada bixiso—kaliya xasuusnoow inaad horay ugu sii qorsheeysato.

Buundada Ship Canal ee waddada I-5 ee dhanka ku wajahan waqooyiga waxaa lagu soo koobay laba haad ilaa bisha Juun.

Waddada I-5 dhanka ku wajahan waqooyiga waxaa lagu soo koobay laba haad guud ahaan Buundada Ship Canal laga bilaabo 9-ka Janaayo ilaa 5-ta Juun, 2026, si loo qabto shaqooyinka dayactirka/hagaajinta. Inta lagu jiro dhimista haadadka, shaqaalaha waxay badali doonaan isku xirka/xaglaha fida ee gaboobay, waxay dayactiri doonaan dibna u dahaari doonaan dusha sare ee buundada, waxayna hagaajin doonaan biyo-mareenka.

Sababtoo ah haadadka express-ka ay u shaqaynayaan oo keliya dhanka ku wajahan waqooyiga 24 saac maalintii inta dhismaha socdo, filo saameyn taraafik oo ka jirta labada jiha ee waqooyiga iyo koonfurtaba marka laga gudbaayo loona socda Seattle.

Dhismaha wuxuu hakad geli doonaa inta lagu jiro Koobka Adduunka ee FIFA, kadibna wuxuu dib u bilaaban doonaa siina socon doona ilaa dhammaadka 2026.

5-ta Juun, 2026, shaqaalaha waxay hakad gelin doonaan shaqada waxayna ka saari/rari doonaan goobta shaqada si loogu diyaar garoobo Ciyaaraha Adduunka FIFA ee magaalada Seattle, ayagoo adeegsanaya xiritaan buuxa oo soconaya dhammaadka todobaadka oo dhan laga bilaabo waddada I-90 ilaa Northeast 45th Street.

Ka dib ciyaarta ugu dambeysa ee Koobka Adduunka ee FIFA ee Seattle, shaqaalaha waxay dib u soo laaban doonaan ayagoo sameynaya xiritaan buuxa oo kale oo soconaya dhammaadka todobaadka oo dhan 10-ka Luulyo si ay u diyaariyaan aag shaqo oo cusub oo ku yaalla labada haad ee midig ee waddada I-5 dhanka ku wajahan waqooyiga, guud ahaan Buundada Ship Canal, ilaa dhammaadka 2026.

Jadwalka xiritaannada iyo dhimista dhanka ku wajahan waqooyiga ee waddada I-5:

  • 9-12-ka Luulyo: xiritaan buuxa dhammaadka toddobaadka oo dhan ah dhanka ku wajahan waqooyiga waddada I-5 ah (goobta shaqada oo la dejinayo).
  • Ugu horrayn 12-ka Juun-5-ta Juun: muddo bilooyin ah oo la dhimaayo labo haadad ee bidixda oo ku wajahan waqooyinga waddada I-5 guud ahaan Buundada Ship Canal.
  • 5-8-da Juun: xiritaan buuxa dhammaadka toddobaadka oo dhan dhanka ku wajahan waqooyiga waddada I-5 (goobta shaqada oo la qaadaayo).
  • 8-da Juun–10-ka Luulyo: Mashruuca Revive I-5 wuxuu hakin doonaa shaqada, wuxuuna qaadi/rari doonaa aaga shaqada ee Buundada Ship Canal ciyaaraha Koobka Adduunka FIFA ee ka dhici doonta Seattle awgood.
  • 10-13-ka Luulyo: xiritaan buuxa dhammaadka toddobaadka oo dhan ah dhanka ku wajahan waqooyiga waddada I-5 ah (goobta shaqada oo la dejinayo).
  • 13-Luulyo– dhammaadka 2026: muddo bilooyin ah oo la dhimaayo labada haad ee midig dhanka ku wajahan waqooyiga waddada I-5 guud ahaan Buundada Ship Canal.
  • Weli lama go’aamin (dhammaadka 2026): xiritaan buuxa oo dhammaadka toddobaadka oo dhan dhanka ku wajahan waqooyiga waddada I-5 ah (goobta shaqada oo la qaadaayo).

Xiritaanada buuxa dhammaadka toddobaadka oo dhan lagu dhisaayo ama lagu qaadayo goobaha shaqada waxayna ku xirnaan doonaan cimilada. Shaqaalaha waddada waxay u baahan yihiin cimilo qalalan si ay dib ugu calaamadeeyaan haadadka. Taasi waxay ka dhigan tahay haddii roobka aad u bato, shaqaalaha waxay dib u qorshayn doonaan shaqada.

Haadadka Deg dega ah

Haadadka deg degga ah (Express Lanes) waxay 24 saac maalintii u shaqayn doonaan oo keliya dhinaca waqooyiga inta lagu jiro dhammaan dhimista haadadka iyo xiritaannada mashruuca Revive I-5 ee sannadka 2026. Haadadka deg degga ah uma shaqayn doonaan dhanka ku wajahan koonfurta sida ay caadi ahaan subaxyadii u shaqeeyaan. Marka haadadka ku wajahan waqooyiga ee wadada I-5 laga dhimo afar haad oo lagu soo reebo laba haad, sida ay tahay inta uu socdo wajigan dhismaha, xitaa shil keliya ama gaari cilad ku istaaga wuxuu si weyn u carqaladeyn karaa taraafikada.
In haadadka deg dega ah u shaqeeyaan dhanka ku wajahan woqooyiga waxay ka caawinaysaa dhimista khatarta in dhanka waqooyiga gebi ahaan la xiro, waxayna siinaysaa maamulka taraafikada dabacsanaan dheeraad ah oo ay kaga jawaabaan dhacdooyinka. Filo dib-u-dhac, gaar ahaan saacadaha subaxnimo.

Kahor intaadan isticmaalin haadadka deg degga ah fadlan ogow:

  • Dhammaan darawallada waxaa laga yaabaa in ay isticmaali karaan haadadka deg degga ah (express).
    Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah meelaha waddada laga galo/looga baxa waa kuwa loogu talagalay baabuurta ay saaran yihiin laba qof ama ka badan kaliya (HOV).
    Haadadka deg degga ah waxay leeyihiin xaddidaad jooga oo ah 14 saamood (feet) iyo 7 inji.
  • Haadadka deg degga ah waxay Northgate kaga soo noqonayaan waddada weyn ee I-5.
  • Haadadka deg dega ma bixin doonaan gelitaanka SR 520 ama I-90.

Gelitaannada haadadka deg degga ah dhanka ku wajahan waqooyiga ee ka imaada bartamaha Seattle:

  • Fifth Avenue/Columbia-Cherry Streets (HOV-kaliya)
  • Ninth Avenue/Pike-Pine Street (HOV-kaliya)
  • Howell Street/Eastlake Avenue
  • Mercer Street

Bixitaanka ugu horeeya ee haadadka deg dega ah ee u socda dhanka waqooyiga wuxuu ku yaallaa Wadada Northeast 42nd ee University District. Bixitaannada (exits) haadadka deg degga ah dhanka ku wajahan waqooyiga waxaa ka mid ah:

  • Northeast 42nd Street
  • Lake City Way Northeast
  • Northgate Way/Northeast 103rd Street

Faahfaahinta ka eeg qaybta khariidadaha iyo sawirada.

2027

Revive I-5 wuxuu ka sii socon doonaa haadadka waddada I-5 dhanka ku wajahan koonfurta guud ahaan Buundada Ship Canal sanadka 2027, iyadoo la isku daraayo xiritaano buuxa iyo dhimista haadadka. Faafaahinta ayaa la wadaagi doonaa marka ay diyaar noqdaan.

Ogow intaadan tagin

Waxaad filan kartaa dib u dhac mudada ay socdaan shaqooyinka dhismaha ee Buundada Ship Canal. Horay ugu qorsheeyso saamaynta mudada dheer ee safarka. Taasi waxay noqon kartaa inaad hesho jid kale, beddesho waqtiga aad safreyso, ama isticmaasho hab kale oo socdaal, sida gaadiidka dadweynaha. Tixgeli inaad isku darto xulashooyinka safarka, sida inaad bas raacdo ka dibna tareenka fudud (light rail), waqti kasta iyo meel kasta oo ay suurtagal tahay.

Waxaan kugu dhiiri gelinaynaa inaad isticmaasho gaadiidka dadweynaha — waa habka ugu wanaagsan la iskuna halayn karo ee lagu safro — dhallinyarada da’doodu tahay 18 jir iyo ka yarna waxay ku raacaan bilaash. Haddii aad qorshaynayso inaad u safarto ama ku dhex safarto Seattle, ka bilow Flip Your Trip ama ka fiiri macluumaadka la heli karo ee ku jira bogga ee ku saabsan Xiriira.

La soco aqbaarta adigoo isu diiwaan gelinaayo wararka lagu helo iimaylka.

Revive I-5 waa mid ka mid ah mashaariic dhisme oo badan oo hawl geli doona sanadkan, sidaas darteed u diyaar garow dhismooyin joogto ah oo is dul saaran oo ka dhici doona marinnada ugu muhiimsan ee gobolka, oo ay ku jiraan I-5, I-405, SR 167, SR 520, iyo I-90. Marka la eego dhimista haadadka ee muddada-dheer ee waddada I-5, suurtagal ma aha in laga fogaado xiritaanno badan oo is dul saaran sida aan hore u samaynay. Sidoo kale, fadlan xusuusnow in WSDOT aysan ahayn hay’adda keliya ee ka shaqaynaysa gobolka. Waxaan ku dadaaleynaa inaan noqono saaxiibka ugu wanaagsan ee aan kari karno, waxaana sii wadi doonnaa isku duwidda iyo tanaasulka halka ay suurtagal tahay, balse mashruucyadan mid kastaba wuxuu leeyahay hiigsiyo muhiim ah oo ay tahay inuu gaaro si loo ilaaliyo nidaamkeenna gaadiidka inuu noqdomid lagu kalsoonaan karo oo adkaysi leh.

Khariidaha iyo Sawirada

2026 XIRITAANADA IYO DHIMISTA HAADADKA KU WAJAHAN WAQOOYIGA

Waddada I-5 dhanka ku wajahan waqooyiga guud ahaan Buundada Ship Canal waxaa lagu koobi doonaa laba haadad inta badan sanadka 2026. Dhismaha hadda wuxuu ka socdaa labada haad ee bidix.Bisha Juun, Mashruuca Revive I-5 wuxuu hakin doonaa shaqada, wuxuuna qaadi/rari doonaa aaga shaqada ee Buundada Ship Canal ciyaaraha Koobka Adduunka FIFA ee ka dhici doonta Seattle awgood. Kadib ciyaarta ugu dambeysa ee Koobka Adduunka ee Seattle, goobta shaqada waxay u wareegi doontaa labada haad ee midig ee waddada I-5 dhanka waqooyiga ku wajahan, guud ahaan Buundada Ship Canal. WSDOT waxay u baahnaan doontaa inay isticmaasho xiritaanno buuxa ee waddada I-5 dhanka ku wajahan waqooyiga oo soconaya dhammaadka todobaadka oo dhan laga bilaabo I-90 ilaa Waddada Northeast 45th si loo diyaariyo loona qaado agabka aagagga shaqada guud ahaan buundada.

Haadadka deg degga ah waxay 24 saac maalintii u shaqayn doonaan oo keliya dhanka waqooyiga inta ay socoto dhimista iyo xiritaannada haadadka bilooyinka soconaysa ee waddada I-5 dhanka ku wajahan waqooyiga. Dadka u socda dhanka ku wajahan waqooyiga waxay geli karaan haadadka deg degga ah ayagoo ka soo galaya waddada weyn ee I-5 dhanka ku wajahan waqooyiga, agagaarka Seattle’s Chinatown–International District (gelitaanka bidixda), waxaana jira gelitaana dheeraad ah oo ka jira bartamaha magaalada Seattle (downtown). Haadadka deg degga ah qof walba wuu isticmaali karaa; balse, qaar ka mid ah meelaha laga galo loogana baxo waxaa ku safri kara kaliya gawaarida ay la socdaan laba qof ama ka badan (HOV), waxaana jira xadidaad dhererka oo ah 14 saamood (feet) iyo 7 inji.

Bixitaanka ugu horreeya ee laga baxo haadadka deg degga ah waa Northeast 42nd Street ee University District.
Lagama geli karo waddada SR 520 iyadoo la adeegsanaya haadadka deg degga ah.
Haadadka deg degga ah waxay Northgate kaga soo noqonayaan waddada weyn ee I-5.

Haadadka deg degga ah uma shaqayn doonaan dhanka ku wajahan koonfurta, sidaas darteed waxaad filan kartaa dib u dhac, gaar ahaan saacadaha hore ee safarka shaqada subaxnimo.

La xiriiro xiriirada (links)

Isticmaal ilaha macluumaadka hoos ku xusan si aad u safarto inta lagu guda jiro shaqada weyn ee waddada I-5.

Qorsheeyeyaasha Safarka (Trip Planners) – Qorsheeyso inaad raacdo gaadiidka dadweynaha adigoo kaashanaya qorsheeyeyaashaan safarka.
Miyaad u socotaa Seattle ama nawaaxigeeda? Halkan ka bilow: Baddal Habkaaga Safarka

Digniinaha adeega – Hel wararka dib u dhacyada iyo wado beddelka ama xirnaanshaha waddada laga yaabo inay saameeyaan gaadiidka dadweynaha.

Bogga King County ee qiima dhimista gaadiid raaca—Hel macluumaad ku saabsan qiimaha gaadiidka dadweynaha lagu raaco oo la dhimay, u qalmitaanka, iyo sida la isu diiwaan geliyo.

Adeegyada Khariidadaha – Ogow kahor intaadan bixin.
Hubi jidkaada horay-na u qorsheeyso.
Fiira gaar ah: Fiiro gaar ah, WSDOT ma maamusho macluumaadka ku jira abyada (apps) gacan saddexaad.

Page last updated: 22 Mar 2026, 02:45 PM