Mashruuca Revive I-5: Dayactirka Buundada Ship Canal
2025 taariikhaha ugu muhiimsan:
- Juun 20-23: Laba haad oo lagu soo reebaayo waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga guud ahaan Buundada Ship Canal
- 18 ilaa 21-da Luulyo, 2025 Xirnaanshaha gabi ahaanba waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga laga bilaabo isgoyska I-90 ilaa Northeast 45th Street.
- 21-da Luulyo ilaa 15-ka Agoosto 2025 Laba haad oo lagu soo reebaayo waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga guud ahaan Buundada Ship Canal
- 15-ka Agoosto ilaa 18-ka Agoosto Xirnaanshaha gabi ahaanba waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga laga bilaabo isgoyska I-90 ilaa Northeast 45th Street.
Booqo qeybta macluumaadka Safarka si aad horey ugu qorsheysato.

Guudmarka mashruuca
WSDOT waxay dhistay waddada I-5, oo ah waddada ugu weyn ee Washington, sanadihii 1960-meeyadii. Qaybta ugu mashquulka badan waxay dhex martaa magaalada Seattle, iyadoo ku dhowaad 240,000 baabuur ay maalintii maraan waddada I-5 ee Buundada Ship Canal. Waddadan muhiimka ah hadda waxay u baahan tahay dayactir iyo hagaajin ballaaran.
Anaga oo la shaqeynayna qandaraaslahanaga Atkinson Construction, waxaan mudnaanta siinnay dayactirka buundada Ship Canal ee I-5, taas oo markii ugu dambeysay heshay dadaal dayactir oo ballaaran ku dhawaad 40 sano kahor.
Dusha buundada waxaa ka muuqda gaboow ballaaran. Shaqaalaha ayaa sameeyay in ka badan 200 oo dayactir deg deg ah tan iyo 2019, taas oo sababtay carqalado aan la qorsheyn oo ku yimid taraafikada.
Iyadoo loo maraayo mashruuca Revive I-5: Mashruuca Dayactirka Buundada Ship Canal, WSDOT waxay dayactiri doontaa dibna shamiita u marin doontaa dusha sare ee buundada, waxay beddeli doontaa shamiitada iyo isku xirka fida ee buundada ee gaboobay, hagaajin doontaa biyo-mareennada, waxna ka qaban doontaa arrimo kale oo dayactir ah.
Dhismaha baaxadda leh wuxuu bilaabanayaa bisha Luulyo 2025, wuxuuna socon doonaa ku dhowaad afar toddobaad, isagoo sii socon doona labada sano ee soo socda, lana dhammaystiraayo sanadka 2027. Dadaalkan qorshaysan ee dayactirka ayaa ka caawin doona kordhinta cimriga buundada iyo ka hortagidda xirnaansho lama filaan ah oo badan.
- Jadwalka: 2020 – 2027
- Marxaladda mashruuca: Dhismo
- Maalgelinta: $203 milyan
Waxa la fili karo
Dadaallada dayactirka waxay bilaaban doonaan xagaaga 2025. Waxaa naga go’an inaan kaa caawino inaad gaarto Seattle si aad qibrad uga hesho wax walba oo ay magaalada bixiso—kaliya xasuusnoow inaad horay ugu sii qorsheeysato. Inta lagu guda jiro xirnaanshaha waddada ku wajahan waqooyiga iyo dhimista haadadka, haadadka deg dega ah (express lanes) waxay furnaan doonaan 24/7 dhanka ku wajahan waqooyiga.
- Juun 20 –23: Dhimista haadka ee waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga ee ka gudbaaya Buundada Ship Canal
Habeenka Jimcaha, 20-ka bisha Juun, ilaa subaxa Isniinta, 23-da bisha Juun, waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga waxaa lagu soo reebaayaa laba haad oo ka gudbaya Buundada Ship Canal si loo dhammaystiro shaqada biyo-mareenka oo lagama maarmaan u ah diyaarinta haadad dhimista ah ee afarta toddobaad socon doona oo bilaabanaaya 21-da bisha Luulyo.
- 18 ilaa 21-da Luulyo, 2025 Xirnaanshaha ballaaran ee I-5 ee ku wajahan waqooyiga laga bilaabo isgoyska I-90 ilaa Northeast 45th Street.
Habeenka Jimcaha, 18-ka bisha Luulyo, ilaa subaxa Isniinta, 21-ka bisha Luulyo, waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga ayaa laga xiri doonaa laga bilaabo wadada I-90 ilaa Northeast 45th street si loo diyaariyo goobta shaqada ee haadad dhimista ah ee socon doona afarta toddobaad.
- 21-da Luulyo ilaa 15-ka Agoosto 2025 Haadad dhisimita wadada I-5 ee ku wajahan waqooyiga guud ahaan Buundada Ship Canal
Laga bilaabo subaxa Isniinta, 21-da Luulyo, ilaa habeenka Jimcaha, 15-ka bisha Agoosto, waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga guud ahaan Buundada Ship Canal ayaa lagu soo reebayaa labo haad, 24/7, muddo afar toddobaad ah. Xawaaraha ayaa lagu soo reebi doona 50 mph.
- 15 ilaa 18-ka Agoosto, 2025 Xirnaanshaha ballaaran ee I-5 ee ku wajahan waqooyiga laga bilaabo isgoyska I-90 ilaa Northeast 45th Street.
Habeenka Jimcaha, 15-ka Agoosto, ilaa subaxa Isniinta, 18-ka Agoosto, waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga ayaa la xiri doonaa laga bilaabo waddada I-90 ilaa Northeast 45th Street si meesha looga saaro goobta shaqada (qalabka shaqada goobta looga raro).
- 18-ka Agoosto, 2025 Dhammaan haadadka waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga dib ayaa loo furi.
Subaxa hore ee Isniinta, dhammaan haadadka waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga ayaa loo furi doonaa taraafikada.
Dayr/Jiilaal Dhowr jeer oo haadad dhimis ah oo la soo reebaayo labo haad oo ku wajahan Koonfurta I-5 ayaa soo socda.
Shaqada waxay u wareegi doontaa haadadka waddada I-5 ee ku wajahan koonfurta xilliga dayrta/jiilaalka. Taariikhaha dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa.
Sida loo tago bartamaha magaalada Seattle
Si loo galo bartamaha magaalada Seattle inta lagu guda jiro xirnaanshaha ballaaran, dadka waa in ay isticmaalaan waddada Edgar Martinez Drive ama Dearborn, James, ama Madison Street (ka fiiri khariidadda waddooyin kale). Dhammaan bixitaanada (exits) kale ee waddada I-5 ee ku wajahan waqooyiga kuna socda bartamaha magaalada Seattle waa la xiri doonaa.
Dadka u safraya waqooyiga bartamaha magaalada Seattle waa in ay isticmaalaan haadadka deg dega ah (express lanes) ama ku baddeshaan wadooyin kale.
Dadka waa in ay filaan dib u dhac labada jiho ee wadada I-5 inta lagu guda jiro xirnaanshiyadan iyo haadad dhimista (Haadad dhimista khariidadda ka fiiri).
Inta lagu guda jiro xirnaanshaha xagaagan, shaqaalaha qandaraaslaha ee Atkinson Construction waxay:
- Dayactiri doonaan oo dib shamiita u marin doonaan ilaa 20% dusha buundada Ship Canal ee ku wajahan waqooyiga.
- Si aan dhammaystirnayn u dayactiri doonaan isku xirka fida.
- Hagaajinta biyo mareenka
2026 iyo 2027
Filo dhimista haadadka ku wajahan waqooyiga oo socon doonta bilooyin badan sanadka 2026. Inta lagu guda jiro Koobka Adduunka FIFA ee 2026, shaqada way hakan doontaa, dhammaan haadadka waddada I-5-na way furnaan doonaan. Sanadka 2027, filo dhimista haadadka waddada I-5 ee ku wajahan koonfurta oo socon doona bilooyin badan. Shaqaalaha waxay u baahan doonaan dhammaadka todobaadka (sabti iyo axad) idil si gabi ahaanba hal jiho looga xiro wadada I-5 loo rakibo loona baneeyo goobaha shaqada.
Inta lagu guda jiro dhimista, haadadka waddada, I-5 waxaa lagu soo reebayaa labo haad Buundada Ship Canal dhanka ay shaqada ka socoto. Haadadka deg dega ah (express lanes) ee wadada I-5 waxay si joogto ah u shaqeyn doonaan 24/7 hal jiho si loo yareeyo ciriiriga. Darawalada waa inay filaan saamaynta taraafikada deegaanka, sidaa darteed horay ha u sii qorsheeystaan hana isticmaalaan gaadiidka dadweynaha, haddii aad awoodo. Waxaan wadaagi doonaa goor dambe sannadkan taariikhda qaaska ka ah ee xirnaanshaha.
Ogow intaadan tagin
Waxaan kugu dhiiri gelinaynaa inaad isticmaasho gaadiidka dadweynaha — waa habka ugu wanaagsan la iskuna halayn karo ee lagu safro — dhallinyarada da’doodu tahay 18 jir iyo ka yarna waxay ku raacaan bilaash. Waxaad filan kartaa in waqtiga safarka dheeraado, sidaas darteed tixgeli inaad qorsheeysato waqtiga aad safreeyso, haddii aad awoodo.
La soco aqbaarta adigoo isu diiwaan gelinaayo wararka lagu helo iimaylka