I-5/Yesler Way ilaa Northgate Vic – Laamiga, Dusha buundada, isku xirka iyo Biyo-mareenka

Share I-5/Yesler Way ilaa Northgate Vic – Laamiga, Dusha buundada, isku xirka iyo Biyo-mareenka on Facebook Share I-5/Yesler Way ilaa Northgate Vic – Laamiga, Dusha buundada, isku xirka iyo Biyo-mareenka on Twitter Share I-5/Yesler Way ilaa Northgate Vic – Laamiga, Dusha buundada, isku xirka iyo Biyo-mareenka on Linkedin Email I-5/Yesler Way ilaa Northgate Vic – Laamiga, Dusha buundada, isku xirka iyo Biyo-mareenka link

Mashruuca Revive I-5: Dayactirka Buundada Ship Canal

Waddada I-5 dhanka koonfurta gabi ahaan Buundada Ship Canal waxaa lagu soo koobi doonaa laba haad inta lagu jiro dhammaadka isbuuca ee lixda ah oo u dhexeeysa 10-ka Oktoobar 2025 iyo 12-ka Janaayo 2026, si loogu qabto shaqada biyo-mareennada:

  • 10–13-ka Oktoobar
  • 17-20-ka Oktoobar
  • 31-ka Oktoobar ilaa 3-da Nofeembar
  • 21-24-ta Nofeembar
  • 5-8-da Diseembar
  • 9-12-ka Janaayo, 2026

Hoos ugu soco qaybta Macluumaadka Safarada si aad u hesho macluumaad kaa caawinaya inaad safarta inta lagu jiro shaqada weyn ee I-5.

Guudmarka mashruuca

WSDOT waxay dhistay waddada I-5, oo ah waddada ugu weyn ee Washington, sanadihii 1960-meeyadii. Qaybta ugu mashquulka badan waxay dhex martaa magaalada Seattle, iyadoo ku dhowaad 240,000 baabuur ay maalintii maraan waddada I-5 ee Buundada Ship Canal. Waddadan muhiimka ah hadda waxay u baahan tahay dayactir iyo hagaajin ballaaran.

Anaga oo la shaqeynayna qandaraaslahanaga Atkinson Construction, waxaan mudnaanta siinnay dayactirka buundada Ship Canal ee I-5, taas oo markii ugu dambeysay heshay dadaal dayactir oo ballaaran ku dhawaad 40 sano kahor. Dusha buundada waxaa ka muuqda gaboow ballaaran. Shaqaalaha ayaa sameeyay in ka badan 200 oo dayactir deg deg ah tan iyo 2019, taas oo sababtay carqalado aan la qorsheyn oo ku yimid taraafikada.

Iyadoo loo maraayo Revive I-5:
Mashruuca Dayactirka Buundada Ship Canal, WSDOT waxay dayactiri doontaa dibna shamiita u marin doontaa dusha sare ee buundada, waxay beddeli doontaa shamiitada iyo isku xirka fida ee buundada ee gaboobay, hagaajin doontaa biyo-mareennada, waxna ka qaban doontaa arrimo kale oo dayactir ah. Shaqada dhismaha ee baaxadda leh waxay bilaabatay Luulyo 2025 waxayna sii socon doontaa labada sano ee soo socda, iyadoo dhammaanaysa sannadka 2027.
Dadaalkan qorshaysan ee dayactirka ayaa ka caawin doona kordhinta cimriga buundada iyo ka hortagidda xirnaansho lama filaan ah oo badan.

  • Jadwalka: 2020-2027
  • Marxaladda mashruuca: Dhismaha
  • Maalgelinta: $203 milyan

Maxaa xigga

Shaqaalaha waxay soo laaban doonaan dayrtaan si ay u fuliyaan dhimista haadadka dheeraadka ah ee dhammaadka isbuuca oo dhan, si shaqada biyo-mareennada loogu qabto haadadka ku wajahan dhanka koonfurta ee Buundada Ship Canal.
Waddada I-5 dhanka ku wajahan koonfurta waxaa lagu soo koobi doonaa laba haad habeenada Jimcaha, iyadoo la bilaabi karo ugu horeyn 10:00 habeenimo ilaa 5:00 subaxnimo.
Subaxyada Isniinta dhammaadka todobaadyada ee:

  • 10–13-ka Oktoobar
  • 17-20-ka Oktoobar
  • 31-ka Oktoobar ilaa 3-da Nofeembar
  • 21-24-ta Nofeembar
  • 5-8-da Diseembar
  • 9-12-ka Janaayo, 2026

Haadadka Deg dega ah

Inta lagu jiro dhammaadka isbuucyadan, haadadka deg dega ah waxay u shaqayn doonaan dhanka ku wajahan koonfurta 24 saacadood maalintii (faafaahinta ka eeg qariidadda).

  • Dhammaan darawallada u socda dhanka koonfurta waxay isticmaali karaan haadadka deg dega ah.
    Fadlan raac calaamadaha maadaama galitaanada iyo bixitaannada qaarkood ay ahaan doonaan kaliya HOV.
  • Dadka u safraya dhanka waqooyiga waxay la kulmi karaan dib u dhacyo, maadaama haadadka deg dega ah aan la badali doonin 1:45 galabnimo sida lagu sameeyo badanaa maalmaha dhammaadka isbuuca. Dhimista haadadka waxay u ogolaanayaan shaqaalaha inay ku rakibaan biya mareena cusub iyo ilaha biyaha qaybta ku wajahan koonfurta ee buundada.

2026 iyo 2027

Shaqada Revive I-5 ee Buundada Ship Canal waa mashruuc sanado badan oo socon doona ilaa 2027.
Shaqadu waxay ka mid tahay hagaajinta laabiga meelaha burbursan, badalidda isku xirka buundada iyo hagaajinta biyo mareenka.

  • Filo dhimista haadadka ku wajahan waqooyi ee I-5 oo socon doonta bilo badan sannadka 2026, iyadoo hakad la gelin doono inta lagu jiro Koobka Adduunka FIFA 2026, markaas oo dhammaan haadadka I-5 furnaan doonaan ilaa ciyaarta ugu dambaysa lagu qabanayo magaalada Seattle.
    Shaqaalaha waxay u baahan doonaan dhammaadka todobaadka (sabti iyo axad) idil si gabi ahaanba hal jiho looga xiro wadada I-5 loo rakibo loona baneeyo goobaha shaqada.
  • Sanadka 2027, filo dhimista haadadka waddada I-5 ee ku wajahan koonfurta oo socon doona bilooyin badan.

Inta lagu guda jiro dhimista, haadadka waddada, I-5 waxaa lagu soo reebayaa labo haad Buundada Ship Canal dhanka ay shaqada ka socoto.
Haadadka deg dega ah (express lanes) ee wadada I-5 waxay si joogto ah u shaqeyn doonaan 24 hal jiho si loo yareeyo ciriiriga. Darawalada waa inay filaan saamaynta taraafikada deegaanka, sidaa darteed horay ha u sii qorsheeystaan hana isticmaalaan gaadiidka dadweynaha, haddii aad awoodo.

Ogow intaadan tagin

Waxaan kugu dhiiri gelinaynaa inaad isticmaasho gaadiidka dadweynaha — waa habka ugu wanaagsan la iskuna halayn karo ee lagu safro — dhallinyarada da’doodu tahay 18 jir iyo ka yarna waxay ku raacaan bilaash.

Horay u qorsheeyso—raadi wadooyin kale badal-na safarkaada, haddii ay macquul tahay.
Filo dib u dhacyo sii qoondeeysana waqti dheeraad ah si aad u safarto.

La soco aqbaarta adigoo isu diiwaan gelinaayo wararka lagu helo iimaylka.

Khariidadaha iyo farshaxanada

Waddada I-5 dhanka ku wajahan koonfurta ee ka gabi ahaanba Buundada Ship Canal waxaa lagu soo koobi doonaa laba haad inta lagu jiro dhammaadka isbuucya gaar ah ee dayrtaan iyo jiilaalkan. dhismaha wuxuu dhammaadka isbuuc kasta diiradda saari doonaa haadadka midig ama bidix si loo dhammaystiro hagaajinta biyo mareenada. Dhimista haadadka waxay kasoo bilaaban doontaa agagaarka ka-bixitaanka I-5 dhanka ku wajahan koofurta ee Northeast 45th Street/Northeast 50th Street ilaa isgoyska SR 520. Dhammaadka isbuuc kasta ee la qorsheeyay, shaqada waxay bilaaban kartaa ugu horeyn Jimcaha 10:00 habeenimo waxayna dhammaani doontaa Isniin 5:00 subaxnimo.

Haadadka deg dega ah waxay u shaqayn doonaan dhanka ku wajahan koonfurta 24 saacadood maalintii inta uu socdo mid kasta oo ka mid ah dhimista haadka. Darawallada waxay geli karaan haadadka deg dega ah dhammaan galitaanada waddada ee caadiga ah laga bilaabo Northgate. Ka-bixitaanka koowaad ee ku wajahan dhanka koonfurta ee haadadka deg dega ah ee waddada I-5 waa Mercer Street. Haadadka deg dega ah dhanka ku wajahan koonfurta waxay dib ugu noqonayaan waddada I-5 agagaarka Xaafadda Chinatown–International District ee Seattle. Fadlan raac calaamadaha maadaama galitaanada iyo bixitaannada qaarkood ay ahaan doonaan kaliya HOV.

Macluumaadka Safarka

Isticmaal ilaha macluumaadka hoos ku xusan si aad u safarto inta lagu guda jiro shaqada weyn ee waddada I-5.

Qorsheeyeyaasha Safarka (Trip Planners) – Qorsheeyso inaad raacdo gaadiidka dadweynaha adigoo kaashanaya qorsheeyeyaashaan safarka.
Seattle Miyaad u socotaa? Halkan ka bilow: Baddal Habkaaga Safarka

Digniinaha adeega – Hel wararka dib u dhacyada iyo wado beddelka ama xirnaanshaha waddada laga yaabo inay saameeyaan gaadiidka dadweynaha.

Bogga King County ee qiima dhimista gaadiid raaca—Hel macluumaad ku saabsan qiimaha gaadiidka dadweynaha lagu raaco oo la dhimay, u qalmitaanka, iyo sida la isu diiwaan geliyo.

Adeegyada Khariidadaha – Ogow kahor intaadan bixin.
Hubi jidkaada horay-na u qorsheeyso.
Fiira gaar ah: Fiiro gaar ah, WSDOT ma maamusho macluumaadka ku jira abyada (apps) gacan saddexaad.

Page last updated: 29 Sep 2025, 04:22 PM